Marka
hore, mahad idilkeed Allaah ayey u sugnaatay,
Naxariis iyo nabadghelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa
ahaatay.
Kadib
bur burki dowladii dhexe ee soomaaliya, waxaa
adkaatay sidi loo dhisi lahaa dowlad dhex oo adag,
tiiyoo ay ugu wacan tahay, in ragga hor booda
siyaasadda soomaaliya ay isku dayaan inay ka
horyimaadaan dowlad walboo la dhisay, haddii ay iska
dhex arki waayaan ama ay siday rabeen ay wax u dhici
waayaan. Waxa wax baddan waqti iyo dhaqaalaba ku
lumeen sidi loo soo yagleeli lahaa dowlad
Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay. Dowladahaa
lasoo dhisay waxaa ka mid ahaa, tii Cali Mahdi, Tii
Cabdiqaasim iyo tan imminka ee Cabdullaahi Yuusuf uu
garwadeenka ka yahay. Marka aad eegto dowladahaa oo
idil waxa lugaha ku dheganaa siyaasiyiin ku sheega
arimaha Soomaaliya hor boodayey oo aan midna midka
kale wax u ogoleen.
Maalin
walba waxaad arkeysaa koox cusub oo horboodeysa
ummadda Soomaaliyeed oo shaar ama kaar cusub u soo
qaadanaya. Nasiib darro shacabka Soomaaliyeed oo
iyagu mar walba doonayaa bal inay mar uun
dhibaatooyinkaan ka baxaan, ayaa ratiga ama owrka
lagu kacsadaa. Waxaa jira Siyaasiyiin iyo
aqoonyahano waddankeena safka hore kaga jira arimaha
siyaasadda, haddana aanan lagu arag markey noqoto in
dadka wax loo qabto xilliyada ay dhibtu jirto sida,
Abaaraha, fatahaada, dagaalada Sokeeye iyo weliba
xilli kastoo ay waxyeelo soo foodsaarto ummadda.
Haddaba raggaasi ma waxaa la arkaa xilliyada
siyaasad loo ololeynayo uun. Aniga shaqsiyan
raggaasi waxaan kula talin lahaa inay soomaalida la
qeybsadaan dhib iyo dheefba.
Dunida
kale Markey waxyeelo dhacdo waxaa Idaacadaha leyska
arko soo fariista ninba ninkuu ka miisaan culus
yahay xagga arimaha Siyaasadda oo uu isku dayaa inuu
dadkiisa kasbado, oo uu u ololeeyaa sidi dadkaa wax
loogu qaban lahaa. Kuweena xitaa qaarkood waxa
dhacda inaanay dadka u tacsiyeen.
Arinta
kale ee layaabka leh waa Soomaalida oo dhaqan ka
dhigatay in wax la dumiyo uun { Si wax loo dumiyo
wey fududahay, laakiin sidi wax loo dhisaa wey adag
tahay }. War miyuusan qorshaha nooguba jirin, in
wax la saxo. Afarti meel isugu timaadaa waxa ay
qorshe ka dhigtaan sidee loo dumiyaa systemkaa
shaqeynayaa, hadey noqoto Dowlad, Community,
Ganacsi, xitaa hadda waxaa ay arintaa ku baddan
tahay Masaajidyada Soomaalida.
Soomaaliyeey innaga ayaa isugu wacan jabka maanta na
helay, ee caqliga waa in laga shaqeysiiyaa sidi
looga bixi lahaa. Waxba yuusan inoo durbaan tumin
siyaasi qurbaha wareegayaa, ee halaga fakaro, oo
miisaan hala saaro tallaabo walboo la qaadayo.
Maanta itoobiya wey na heysataa halaga fakaro sida
uu xalku ku jiro. Waynu aragnay dhibaatada ay
leedahay in dadka dhexdiisa lagu dagaalamo. Weynu
aragnay cawaaqib xumada la baday dadkeeni kadib
markii dhexdooda madfacyo laga soo turr tuuray. Ma
laga yaabaa inuu xalku ku jiro in Soomaali oo wada
jir ah ay ka tashato aayaheeda, oo ay miis isugu
timaado oo heshiis dhexdooda ah meel isladhigta,
kadibna laga wada arinsado maxaa inoo dan ah.
Soomaaliyeey quluubteena oo kala jeedo iyo innagoo
isu aragna reer fulaan iyo reer hebel wey adag tahay
in xal la helo. Waxba yaan leys eedeyn, waxba yaan
leys caaridin. Maanta isku doon baa lasaaran yahay,
kan maanta ay dhibtu heysato iyo kan ayan heysan ba
( Nin qeyrkii loo xiirayoo, adna soo qoyso ), xaalka
dhabta ah waa sidaa, ee Soomaaliyeey dantu waxey ku
jirtaa in aynu miis wada fariisano oo arimahayaga
laga eego dhinacyo baddan. Waana wax wanaagsan in la
raaco, qaacidada islaamiga ah ee
{
Maslaxa iyo Mafsadah }
waa inaad fiirisaa maxaa ka dhalan kara tallaabo
walboo aad qaado. Dagaal joogto ah in lagu jiro iyo
in dowladdan lalal gala heshiis kee ayey dhibaato ka
dhalaneysaa, keese wanaag ka dhalaneysaa. Ogow mar
walba qof necbeysiga iyo xaqiiqada in lakala saaraa
wey wanaagsan tahay.
Tan kale
ee layaabka leh ee aan illaa iyo hadda raadiyo waa
maxaa loo waayey, koox arimahan si dhex dhexaad ah u
eegta ( markaan leeyahay dhex dhexaad kama wado,
joogitaanka itoobiya dhexdhexaad halaga noqdo, iyadu
malaha cudurdaar, ee waxaan ka hadlayaa kooxahan
iska soo horjeeda sida DFK iyo mucaaradkeeda). Mar
walba waxaad arkeysaa koox DFK si indho la’aan ah u
taageersan iyo koox kale oo si indho la’aan ah u
mucaaradeysa. Haddii aan si kale u cabiro kooxo dano
iyo qabiil ku taageeraya dowladda iyo kooxo dano iyo
qabiil uga soo horjeeda. Marka aaway kaalintii
kooxdi dhexe, ee arimahan intay miisaan caadil ah
saarta kala xukumi laheyd arimahan.
Soomaaliyeey weynu daalnay, oo maanta waa maalintii
aynu ka fekeri laheyn sidee dadkeena dal iyo dibadba
ku baab’san u badbaadin laheyn, side usoo celin
karnaa karaamadii iyo sharaftii ay Soomaali laheyd,
sidee dalkeenii uu gacanteeni ugu soo noqon karaa,
sidee dowrkeeni aynu ku laheyn siyaasadaha adduunka
u qaadan karnaa.
Maanta
meel walboo aad tagto waxa ku dhiban ama ku
baaba’san waa Soomaali, waxa jeel/ Xabsi walboo aad
tagto aad ka heleysaa Soomaali cid u doodeysa aysan
jirin, waxa maalin walba si naxariisa darro ah loogu
tooganayaa Soomaalida ka shaqeysata South Africa iyo
meel kasta. Aaway dadkan dadkii u doodi lahaa, aaway
dadkan dadkii xaqooda usoo celin lahaa. Aaway
Soomaalida ku dooda innagaa ah aqoonyahanada iyo
siyaasiyiinta Soomaalida. Ishoodu ma hal meel oo
qura ayey aragtaa. Aaway Dowladda sheeganeysa inay
ummaddan hogaamiso, miyaanay u jeedin dadka
Soomaaliyeed sida naxariis darrada ah loogu leynayo
South Africa. Xittaa dowladdu ma awoodi weysay inay
u dirto, ergo ama wafdi kala soo xaajooda xaaladdan
Soomaalida eek u cakiran South Africa.
Soomaaliyeey haddeynu niraahno aynu ka hadalno
dhibta maanta Soomaali heysata teer iyo sanad danbe
kama dhamaaneyno ee waxaan hadlkeyga kuu soo
afrjarayaa war aynu isdaba qabano, mucaaradnimo iska
indho la’aan ah ma soconeyso ee aynu isku dayno sidi
wax loo sixi lahaa, oo dowladdan inta lasoo doortay
oo ka hadhay waqtigooda ayaaba iska yare e aynu isku
dayno sidi loo abaabuli lahaa axsaab siyaasi,oo qaab
positive ah arimaha Soomaaliya ula jaan qaada ama
leysku dayo in dowladdan ruuxeeda qaab positive ah
loola shaqeeyo, xooggana la saaro sidi Itoobiya ay
waddankeena uga bixi laheyd.
Intas
ayaan hadlkeyga kusoo gabagabeynayaa oo wixi aan
wanaajiyey waxey ka sugnaatasy Allaah, wixi khlad ah
oo qoreyna waa nafteyda iyo sheydaan.

By :-
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social
Development Adviser
Leicester UK
saicentadv@yahoo.com