Waxgaradka & Odayaasha Jaaliyadda Reer Puntland ee Leicester, oo si kulul u cambaareeyay Hadal meel ka dhac ah oo lagu soo qoray bogga Puntland Post.

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 06April /08
Ra'yi
 06April /08

Waxaa maalmahan booqasho gaaban ku joogay magaalada Leicester wasiirka Horumarinta Gobolada iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdirisaaq Ashkir Cabdi , isagoo la qaatay kulano guud iyo kuwa gaar ahba dhammaan Beelaha iyo umadda Soomaliyeed ee ku nool magaalada Leicester. Wasiirku waxa uu u soo bandhigay dadkaasi dareenkiisa ah, sidi loo raadin lahaa Soomaali mid ah, oo ka wada tashata aayaheed iyo qaranimadeeda, isagoo u muujiyay dareenkiisa Soomaalinimo.

Wasiirku marna qorshaha uguma jirin in uu reer qura gooni ula shiro, waxaana mar walba xagiisa ku weyneyd sidi loo heli lahaa Soomaali weyn oo isku duuban.

Haddaba waxgaradka iyo odayaasha jaaliyadda reer Puntland waxaa ay aad iyo aad ula yaabeen hadalka aan laga fiirsan ee ku soo baxay bogga Puntland Post, lana yiri waxa laga soo xigtay shaqsi reer Leicester ah. Waxeyna arintaasi ku tilmaamayaan war aan sal iyo baar midna laheyn, meel ka dhacna ku ah shaqsiyadda Wasiirka.

Waxey kaloo odayaashu caddeynayaan in dadka arintaas qoraya ay yihiin dad aan marna dooneyn in leysku soo dhawaado, oo heshiis waara laga gaaro arimaha Soomaaliya.

Warkaas waxaa si wadajir ah u soo saaray dadka kala ah:-

1-     Suldaan Cabduraxmaan Aadan Dude.

2-     Cabdullaahi Muuse Guuto

3-     Cali M. Osman ( Cali Gacaney )

4-     Jaamac Shiikh Cusmaan.

5-     Abdirishiid Degel ( Xaaji Dh.)

6-     Cusmaan Faandhe.

7-     Fuaad Cabdullaahi.

8-     Abdiaziz Qoolif

9-     Siciid Yuusuf

10-Abdurahman Shiino

11-Abdikeyf Bashiir

12-Nabadoon Yaasiin Atoore.

13-Ali M. Issae.

14-Abdiaziz M. isse.

15-Maxamed Yuusuf

16-Abdullahi Diiriye.

17-Hassan Oslo.

18-Abdirizak Biina.

19-Cabdi Diiriye Laalac

Wabilaahi Towfiiq

By: - Abdihakim Jama Jooje

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

 

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________