Halkee ayey wax ka khaldan yihiin?
Warbixin ku saabsan Puntland
Markaa hore Allaah ayaa mahad
idilkeed iska leh, Naxariis iyo nabadgelyana
rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Intaas kadib, annigoo marka hore
fursaddan ka faa’ideysanay ayaan halkan waxaan ka
sheegayaa inaan aad iyo aad uga xumahay, uga
murugeysnahay, tiiraanyo iyo ciilba u hayaa xaaladda
murugsan ee uu dalkeyga Soomaaliya guud ahaan ku
sugan yahay, taasoo runti nin damiir leh uusan u
adkeysan Karin waxa ka dhacaya dhammaan Soomaaliya,
gaar ahaan Muqudisho. Waxaan Allaah ka baryayaa in
ummaddaas uu dulmiga ka kor qaado, Soomaalina meel
ay joogtaba towfiiqda waafajiyo.
Intaas kadib haddii aan
mowduuceyga usoo noqdo, Puntland, maamulka ma
khaldana ee waxaa khaldan waa shicibka guud ahaan,
gaar ahaan nimanka horboodaya beelaha oo idil,
sababtuna waxey tahay , marka la dooranayo
Madaxweyne Puntland waxaa doorta niman lagu sheegayo
in beelaha laga soo doortay oo xubno ka ah
Baarlamaanka. Nimankaas oo aan u aabo yeeleyn ninka
ay dooranayaan qaabka uu ku shaqeyn doono, oo mar
walba eegaya nimanka ku loolamaya madaxtinimada kuma
ayaa ugu boorso weyn kaliya. Taasoo natiijadeedi
noqotay waxa manta ka dhacaya Puntland :- { Faraha
inay ka baxdo Laascaanood, Mashiinada lacagta
faalsada ah taasoo shicibki xalaal quutada ahaa
Doolarkoodu lagu gurtay, Ballan qaadyo been ah,
aminigii oo faraha ka baxay iyo waxyaalo faraha ka
baddan oo aan halkan lagu soo koobi Karin }.
Haddaba anigu waxaan si kooban u
leeyahay, oo iga ah talo waxba xooga yaan la saarin
qofka uu noqonayo Madaxweynaha Puntland , ee xooga
hala saaro nimanka baarlamaanka kuwaas oo haddey
hagaagaan oo tayo iyo qiimo leeyihiin uu maamulku
hagaagayo. Laakiin inta uu nin walbaba ku joogo
meesha anigaa reerkeyga u mudan jagadan, anigaa wiil
jiri ah leh oo xoog baan ku joogaa meesha iyo hebel
lacag buu leeyahay, Allaha u naxariisto Puntland oo
waxba yaanan leys eedin. Runti maanta ayaad jaanis
leedihiin oo inta aan la gaarin doorashada danbe bal
reer walboo isku noqo ninka meesha aad geystaya ma
yahay kii kala saari lahaa xaqa iyo baadilka, ma
yahay mid aqoon iyo karti ku yimid, ma yahay mid
daneynaya horumar ballaaran oo ay Puntland gaarto,
sidoo kale ma yahay mid ay dhibayso dhibaatada lagu
hayo shicibka. Markaada arimahaas jawaab u heshaan
oo aad shaqsigaa tayadaas ku xulataan ayaan oran
karaa waxaa heysaan in shaa’allaah waddadii
horumarka.
Waxaan kaloo ka digayaa in leyska
jiro qaabka ay u fekarayaan dadka ee ah Madaxweynaha
reer hebel oo kaliya ayaa noqon kara iyo reer hebel
waligood ma iyagaa meesha heysanaya. Madaxwweyne ay
yeelato Puntland yaan loo eegin reerka uu ka imanayo
ee haloo eego ma yahay nin wax qaban kara, karti iyo
aqoon iyo daacadnimo ku sifoobay. Marka horeba yaan
loo ogolaan inuu is sharaxo shaqsi CV-giisa uu
wasakheysan yahay, waxaan ka wadaa hala is weydiiyo
qofkan muxuu ahaan jiray, siduu kusoo ahaa rugihii
uu soo maamulay. Ogow mar haddii la doorto qof,
fursada aad uga hadasho wey iska yar tahay ee marka
horeba qofka xun iska sii qabo, oo si toos ah iyo si
kaleba haloogu digo dadka khatarta ka iman kartaa
haddii qofkaas la doorto.
Runtii maamulka Puntland ee hadda
dhisan way ku jiraan shaqsiyaad ku sifoobay
daacadnimo, howlkarnimo iyo aqoonba, laakiin inta
xun ayaa la hartay, oo wey mudan yihiin in
shaqsiyaadkaas la qiro wanaagooda.
Waxaan hadlkeyga kusoo
gabagabeynayaa Puntland manta ayaa fursad heystaan
ee ka fiirsada qofka mustaqbalka Puntland
Madweynaheeda noqon lahaa. Hebel baa I xiga, hebel
baa wax ii ogol, iyo hebel waa reer hebel oo ima
xukumayo, erayadaas oo idil waa waxa halkaas ina
dhigay ee halooga gudbo yaa ehel u ah, oo leh Alla
ka cabsi, karti, aqoon, daacadnimo iyo weliba qaab
horumar ah iska leh. Waxaan aaminsanahay inay
Puntland joogaan rag baddan oo tayadaas iska leh,
laakiin Markey arkeen qaabka uu wax ku socdo iska
gaabsaday, oo fitnada guryahooda ka galay. Waxaan
tusaale usoo qaadan karaa { Janaraal Cismaan
Fatiig, Mudane Maxamed Buraale Ismaaciil, Mudane
Yuusuf Jibriil Careys, Mudane Cabdiraxmaan Cabdulle
Shuuke, iyo qaar kaloo baddan oo aan halkan kusoo
koobi Karin }. Waxaan raggaas u magacaabay waxa
inoogu filan kaalintii ay kasoo qaateen maamuladii
ay hayeen iyo sidi ay manta uga gaabsadeen fitnooyin
ka jira weliba iyagoo ku sugan Puntland, iyo sidoo
kale qadarinta ay bulshada weli u heyso.
Hadalkeygi waa iga intaas wixiii
aan saxay waxa ay ka sugnaatay Allaah, wixii aan ku
khaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com