Marka
hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis
iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Intaas
kadib Soomaali ma sidan baa u danbeysay, war aaway
damiirkii, aaway Soomaalinimadi, aaway dowladnimadi,
aaway oday dhaqameedyadii, aaway aqoonyahanadii,
aaway Culumadeenii, aaway waxgaradkeenii, aaway
haweenkii iyo dhalinyaradiiba.
Soomaaliyeey sidan daw maaha, war aynu isqabano, war
aynu miis isugu imaano. War in hal madfac la rido,
oo kadib ay boqolaal kale u dhimato xal maaha.
Dowladda federaalka ah waxaanu leenahay war si
shuruud la’aan ah uga saara itoobiyaanka waddanka,
oo dadka isku daya inaad kasbataan, ee itoobiyaan
inuu dadka laayo wallee dowlad lagu noqon mayo.
Kooxaha kale iyagana waxaanu leeyahay war unaxa
dadka oo isku daya inaad dowladda si kale ula
xisaabtantaan, ee xal maaha inaad dadka dhexdiisa ku
dhuumataan
Soomaaliyeey Qabiil meel aynu ku gaareyno ma jirto,
ee aynu isdaba qabano inta goori, goor tahay. War
qofka dowladda qabiil ku taageersan wuu khaldan
yahay, oo waaqica wuu ka fogyahay. Sidoo kale kan
qabiil ku diidan Dowladdana wuu khaldan yahay, oo
waaqica wuu ka fog yahay. Isku day inaad si cadaalad
ku jirto aad u eegto arimaha murugsan uu waddanka ku
jiro. Iska ilow aragtida khaldan ee qabaliyadda
Mar kale
waxaan leeyahay oo ku baaqayaa si shuruud la’aan ah
haloo joojiyo xabadda, oo dowladda iyo mucaaradkuba
miis ha isugu yimaadaan oo halasoo nooleeyo
heshiiski Khartuum ama mid lagu dhigo gudaha
waddanka.
Dowladda
waxaan ugu baaqayaa inay raadiso nabadda, oo ay geed
dheer iyo mid gaaban ba u korto sidi waddanka nabad
loogu soo dabaali lahaa. Qolyaha maxkamadaha waxaa
leeyahay war nabad iyo heshiis wax dhaama ma leh ee
ogolaada inaad nabad wax ku raadisaan. Halka aad
xabadaha ka rideysaan, kubadala Mudaharaadyo nabad
xambaarsan, oo looga soo horjeedo ciidamada
shisheeye.
Soomaaliyeey meel walboo aad joogtaan waxaan idiin
leeyahay hala raadiyo nabad oo haleysku dayo in la
badbaadiyo maatadeen hadda iyo kow soo qaxeysa.
Soomaliyeey maanta, waa maalintii uu caqliga shaqeyn
lahaa, ee aynu badbadino dadkeenii, aynu badbaadino
Caasimadeenii Muqudisho, aynu badbaadino dowladeenii,
aynu badbadino aqoonyahanadeenii iyo dhammaan meel
walboo ay joogaanba Culumadeenii. Sida lagu
badbaadin karan waa xabadda oo la joojiyo, oo wax
walba wadahadl lagu dhameeyo. Soomaaliyeey dagaal
wiil baa ku dhinta, ee wiil kuma dhasho.
Waxaan
maqaalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey aynu
raadino midnimadii, oo aynu isku dayno inaanu wax
walba heshiis ku dhameyno. Sidoo kale waxaan mar
kale ku baaqayaa in ay Dowladda Itoobiya ilaaliso
daris wanaaga oo ay waddankeeni shuruud la’aaan uga
baxdo. Sidoo kale Dowladda federaalka ah ha ilaaliso
rabitaanka shicibka
Soomaaliyeey haddeynu rabno inay dowladnimadeeni soo
noqota aynu qabaliyadda iska ilowno, oo raadino
qaranimo.

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com