Marka
hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis
iyo nabadgelyana Rasuulkeenei ayey korkiisa ahaatay.
Anigoo
marka hore fursadan ka faa’ideysanaya ayaan waxaan
halkan tacsi ugu dirayaa dadki Soomaaliyeed, ee ku
dhintyay dagaalada bilaa ujeedada ah, ee korkooda
lagu dagaalamayey, sidoo kaloo Allaah ayaan waxaan u
weydiinayaa inuu caafimaad siiyo kuwi ku dhaawacmay.
Maanta
Soomaaliya waxey m,areysaa xaalad uu qof kasta oo
damiir islaamnimo leh uu ka naxo, waxaanu mareynaa
heer aynu islaheen waalaga gudbay, nasiib darro
xaalkeeni wuxuu noqday mid gadaal gadaal ugu soo
noqda heerki aynu joognay sagaashanadii. Waxa wax
laga naxo ah in rag aqoonyahano sheeganaya inay
ummaddi ugu yeerayaan dacwo qabiil, oo odey
dhaqameedyadi ay isticmaalaan hadalo aad looga naxo,
oo ku dhisan qaab qabiil.
Waa wax
caddaan ah qaabka arxan darada ah, ay dowladii u
dhaqmeyso. Sidoo kale waa wax loo jeedo xadgudubka
ay Itoobiya ku sameysay waddankeeni, laakiin marna
ma fileyn in qaabkaa looga hor tagayo. Marna kama
fileyn wax garadkeeni inay qabiil qabiil isugu habar
wacdaan, oo dadki la rabay inay garabsadaan ay
qabiil ku fogeeyaan. Sidoo kale danti uu cadowgu kaa
lahaa ayaad si dadban u fulinaysaa, oo walaalkaa aad
isku diinta tihiin, dhaqanka, afka ayuu kaa
fogeynayaa, oo siyaasadii lagula damacsanaa ayaad
fulinaysaa. Runti waa nasiib darro u baahan in la
saxo.
Soomaaliyeey anigu ma oranayo Dowladdan waa tii
mudneyd in ay dalka ka taliso, laakiin waxa la yiri
haddii aad weydo sidi aad rabtay, sida aad ka badin
weydo ayaa la yeelaa, ee dan nooguma jirto in maalin
walba waqti iyo dhaqaale fara baddan inta lagu
lumiyo soo dhisidda dowlad, haddana la yiraahdo maya,
ee mar kale halasoo dhiso mid kale. Soomaaliyeey wax
nagu dhex jira kuwo aanan marna dooneyn in ay
Qaranimadi Soomaaliyeed soo noqoto ee kuwaa aynu
iska qabano. Waa kuwo ku naaxay dhiigi dadka,
gacanta ay ugu jirto dhaqaalihii shicibka lahaa,
kasoo horjeeda inay soo noqoto sharciga iyo kala
danbeynti.
Soomaaliyeey caddowgerena waxaan ka adkaan karnaa
bal marka hore inaynu innaga isa saxno, oo is cafino,
oo iska qabano Daneystaha, Qabiiliistaha, Qaran
Dumiyaha iyo wixi la mid ahba. Soomaaliyeey dowlad
xun dowlad la’aan bey dhaantaa, ee bal aynu soo
celino qaranki bur buray innagoo mid ah, kadibna
aynu gaarno xilligii la xisaabtami lahaa.
Soomaaliyeey Itoobiya innagaa siinay fursaday nagu
soo gashay, ee bal marka hore aynu ka shaqeyno
midnimadii iyo Soomaalinimadii. Ogow reer hebel
adigoo ah, oo fogeynaya walaalkaa marna lagama yaabo
inaad gaarto hadafkaaga. Soomaaliyeey qabiil waa kan
halkaa ina dhigay, waa kan labada milyan qaxootiga
ka dhigay, waa kan dadkeeni ay badaha ugu dhamaadeen,
waa kan caruurteeni uu madfaca aan loo aabo yeeleyn
ku habsanayo. Qabiil Soomaaliyeey wuxuu nooga
darnaaday kansar iyo daacuun. Qabiil wuxuu
Soomaaliya gaarsiiyay heer ay dadka qaar diin ka
dhigtaan. Soomaaliyeey aynu isdaba qabano, sedan xal
maahee.
Dowladda
Kumeelgaarka ah waxaan oran lahaa war sidan
dowladnimo qaabkeedi maaha, ee waxa la’anaya, waxa
baab’aya waa dadkii masaakiinta, ee dadka aad
raadsaneysaan qaabab kaloo baddan oo loo raadsado
ayaa jira, ee si shuruud la’aan ah u joojiya
xabadda, oo isku daya inaad ummaddi kasbataan, oo
dadka aad ka qancisaan inaanay qaab qabiil ku socon,
ee kaarkan cusub ee hadda la gadayo inuusan aheyn
wax jira.
Dhammaan Qoraayada
Soomaaliyeed ee wax ku qora boggaga Soomaalida,
waxaan oran lahaa war Allaah ka baqa oo dadka wax
wanaagsan ugu yeera. Boggaga Soomaalida waxaan
iyagana leeyahay war Allaah ka baqa oo maqaalada
dadka kala geynaya hasoo deynina, oo jansuuro (
Hubin ) soo mariya.
Waxaan hadlkeyga kusoo
afjarayaa Soomaaliyeey maanta waa maalinti aynu ku
midoobi laheyn danta guud ee Soomaaliyeed, ee maaha
maalin naloogu beer laxowsado yaa reer hebel ah.
Soomaaliyeey aynu kawada shaqeyno sidi loo soo celin
lahaa Qaran Soomaaliyeed oo ay dan ugu jirto qof
kastoo muwaadin Soomaaliyeed ah.
Soomaaliyeey
{ Dugsi
malaha Qabyaaladi, waxey dumiso mooyaanee }
waa maansadii Timocadde Allaha u naxariistee.

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com