Yaa u Maqan DHibanayaasha iyo Bukaanka Soomaaliyeed

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 25/02/2007
Ra'yi
 Febr 25/ 2007

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

 

Soomaali meel walboo ay joogto waxaa ay ku mashquulsan tahay, halkee ayeynu kala mareynaa annaga iyo reer hebel. Halkee ayey mareysaa Dowladdii, reer hebel maxaa ku dhacay, BBC di maxey sheegtay iyo waxyaalo kaloo fara baddan. Waxa laakiin isweydiin leh, dhanka kale aaway maatadii iyo dadkii dhibanaa yaa u maqan. Yaa lagu haleeyay oo laga sugayaa inay wax u qabtaan.Weli ma isweydiisay akhristow dhibane hebel ama heblaayo halkee ku danbeysay warkeeda oo ma caafimaaday, ma dhimatay, tolow yaan ka wareystaa.

 

Soomaaliya waayahan waxaa aad iyo aad ugu soo batay dadka dhibanyaasha ah oo weliba uu haleelay cuduro aan horey looga aqoon Soomaaliya. Cuduradaas waxaa oran karaa bacda Allaah, waxaa ugu wacan dhulkeena baadida ah oo cid ilaashaneysaa aanay jirin iyo waxyaalaha naloo qariyo ee lagu duugo, ha noqoto suntan badaheena lagu daadsho, qashirka nukliyerka oo cid naga ilaalisa aanay jirin. Iyo wax ma garato soomaaliyeed oo iyagu heshiisyo lasoo gala shirkadahaasc qashinka iska soo fogeeya.

 

Hadaba natiijadii arimahas waxey noqdeen in waddankeena lagu arko waxyaalo baddan oon horey looga aqoon. Waxa maalin walba aad ku arkeysaa arin kaa yaabisa Interneryada Soomaalida, oo runti aad ugu dadaala inay arimahan Bulshada u soo gudbiyaan, waa haddii la helayo dad akhrisata oo wax ka qabta.. Arimaha waayahan danbe aad loo soo bandhigay waxaa ka mid ah sida, wiilka yare e sanad jirka ah, ee ay warbaahinta Deyniile soo bandhigtay ee madaxa uu weynaanayo, sidoo kale dhibanayaal kale oo ku jira shiishada Puntland post, 4somaliwomen, iyo qaar kaloo baddan.. haddaba waxaan keligay isweydiiyaa war arimaha kaloo dhan waqti looga hadlo waaloo hayaayee, maxaa dadkan dhiban xitaa nus daqiiqo loo siin waayey ka hadalkooda.

 

Waxa maalin dhaweyd aan aad iyo aad ugu farxay sidi diiranetyd ee loogu soo dhaweeyey gabadhi yareyd { Muraayo } eek u dhibaneyd xamar, marki ay tagtay Dalka Mareykanka iyo sidi ay jaaliyadi Soomaaliyeed ee halkaa ku nool ay arimaheedii ugu guntadeen. Runti waa arimo ku dayasho mudan.  Sidoo kale waxaan aad iyo aad uga naxay geeridi ku timid Gabadhi Xabiibo oo iyaadana ka mid aheyd dadka ku dhiban Soomasaliya Dhammaan waalidkeed iyo eheladii ay ka geeriyootaybna waxaan leeyahay Allaha idinka sabar siiyo.

 

Haddaba waxa haboon in leysku baraarujiyo war side wax loogu qaban kara dadkaa Soomaaliyeed ee dhibtu ku heysato gudaha Soomaaliya oo cid u maqan ayna jirin. Dadkan oo baddankooda u baddan dad danyar, oo aan wax taakulo ah helin habayaraatee, ayaa haddana waxa lasoo gudboonaaday dhibaatooyinkaa caafimaad, oo cid wax uga qaban karto waddanka gudihiisa ayan jirin. Waxaa runti jira dad baddan oo isxilqaama oo arimahood gala, laakiin sidi loo baahnaa wax uma helaan.

 

Anigu waxaan talo ahaan kusoo jeedin lahaa in dadkaasi si wadajir ah loogu gurmado, oo qof walba kaalinta uu waxqabadkooda ka qaadan karo uu la bar bar istaago. Midka qalinkiisa wax ku gaarsiinaya dadka, kan rugaha ay dadku isugu yimaadaan wax uga soo ururinaya, kan lacagtiisa ku taageeraya, kan hay’adaha caalamiga ah wax u weydiinaya iyo kan kusoo qoraya Jaraa’idka uu tafatiraha ka yahay ama Webside kaba. Run ahaatii ummaddu haddey is xilqaanto, oo qof walba uu kaalintiis qaato wax baddan baa qabsoomaya. Laakiin haddii dhibanaha loo arko reer qansax ama Reer qurac iyaduna waa ayaandaro halkeeda taagan. Soomaaliyeey Damiirka iyo caqligaba kaashada, oo naxariista badiya. Xadiis baa wuxuu ahaa ( Arlada u naxariisata, Samada haleydinka Naxariistee ).

 

Aaway qoraayadii hormuudka u ahaa shiishadaha ay Soomaalidu wax kusoo qorto, gaar ahaan Qoraagii sanadka Xasan Carab, sidoo kale qoraayadii waaweynaa sida, Cabdiwaaxid Khaliif, Cabdullaahi Siyaasi, Zahra Xirsi, Amiin Khasaaro iyo qoraayada kale ee caanka ah ee aalaaba arimaha Soomaaliya wax ka qora, mey arimahan u istaagaan oo dadka ku baraarujiyaan, miyaanay arag dadkan dhiban ee allaah mooyee cid kale oo wax u qabatey aanay jirin. Fadlan arimahan haloo kaco, oo haleysku baraarujiyo.

 

Sidoo kale waxaan halkan ugu baaqayaa dhammaan dadka uu Allaah hantida siiyay, oo u nimceeyay inay hantidooda wax ka sadaqeystaan, oo dadkaa dhiban ay u istaagaan inay wax ku taraan. Ogow cid Caafimaadka loo ballanqaaday ma jirto, oo marka ay masiibadu kaa maqan tahay cid kale oo kheyrkaa ah ayey ku maqan tahay. War hooy Allaah halaga baqo oo dadkan dhiban haloo gar gaaro.

 

Waxaan kaloo ku baraarujinayaa dhammaan taftirayaasha websid yada Soomaalida inay arimaha noocan oo kale, haddii uu mid ka mid ah soo qaato ay kuwa kalena ka qaataan, runti waa arimo samafal, oo tan oo kale uma baahna ( Copy right ), sida ay aniga ila tahay.

 

Sidoo kale £1 ama $1, xitaa haddaad ku dari karto waxtarkiisa runti aad bey muhiim u tahay waayo lacagahaa baddan aad aragta waxey ka yimaadeen centi lagu daray centi, ee marna ha fududeysan sadaqada.

 

Waxaan halkan mahad uga soo jieedinaya shaqsiyaadka iyo Homepageyada aalaaba xil iska saara sidey dadkan dhiban u soo gudbin lahaayeen, sida, Deyniile, Puntlandpost, Somalitalk, Somaliweyn, 4Somaliwomen, Codka haweenka ( Qamar salad ), Calayaale.Com, iyo qaar kaloo baddan. Waxaan idiin leeyahay halkaa kasii wada soo bandhigidda iyo baraarujinta aad nagu baraarujinaysaan sidi dadkaa wax loogu qaban lahaa.

 

Waxaan hadlkeyga ku soo gabgabeynayaa Allaha inaga dhigo kuwa wanaaga isugu taageera, xumahan iska reeba, kaayaga dhibaateysanna u gargaara. Aaaaaamiiiiin.

 

 

Wabillaahi Towfiiq

By:- Abdihakim Jama Joje

Social Development Adviser

Leicester

UK

saicentadv@yahoo.com

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________