Shirka Jabuuti Muxuu Soo kordhin Karaa?

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK31/05/2008
Ra'yi
 May 31/2008

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadiban waxaan salaanta Islaamka halkan uga gudbinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana akhristayaasha sharafta iyo maamuuskaba iska leh.

 

Sida aynu ka warqabno, dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay bur burtay dhamaadkii 1990ki, waxaan gacantii xukunka uu ku wareegay kooxo ay hogaaminayaan dagaal oogayaal, aan innaba u danqaneyn, una diirnaxeyn Soomaali iyo waddan toona. Kooxahaasi oo dagaalo sokeeye oo fara baddan dalka ka oogay, una kala saaray shicibka walaalaha ahaa, qabiil qabiil, isugu diray daris daris iyo weliba iyagoo dadkii kal faquuqay. Intii ay dagaaladi sokeeye socdeen waxaa ku nafwaayay dad boqolaal kun kor udhaafaya, waxaa ku burburay waxey Soomaali hanti laheyd, dad aad iyo aad u tiro baddan oo malaayiin gaaraya ayaa dalkii isaga baxay, oo dalal shisheeye Qaxootinimo u galay, waxaa intaas noo sii dheereyd dadkii la oran karay waa maskaxdii ama indheergaradkii ummadda oo waddanki isaga baxay. Intay dagaalada sokeeye socdeen waxaa ku curyaamay, oo ku naafoobay dad aad iyo aad u tiro baddan. Waxey kaloo dagaaladaas sokeeye horseedeen, in ay ku dhamaadaan dad baddan oo Soomaali aha, badaha iyagoo doonayey inay raadsadaan nolol ka wanaagsan tan ka jirta waddanka ama ay ka helaan meel ay nabadi jirto. Waxa arimahaasoo dhan ka daran dalkeenii oo iska noqday wado halac mareen ah, oo cid walba ay iska soo gasho, ku duugto sun, qofkey rabto ka kaxeysato, oo dantey rabto ka fushato, badaheenaya si sharci darro ah uga kalluumeysta.

 

Dhibaatooyinka aan kor kusoo xusay waxaa nala wadaagay, oo iyagana ay ka dhaceen dagaalo sokeeye waddamo baddan oo dunida ah, haba ugu badnaadeenee waddamada Afrika. Laakiin waddan walba oo uu ka dhacay dagaal sokeeye, waxa u kacay dadkoodii indheergaradka ahaa, oo isku dayey markiiba inay nabad dhex dhigan dadka ay dirirtu dhexmartay. Qaababka ay dhibaatooyinkaas u xalinayaan, haba ku kala duwanaadaan, oo  ha noqoto qaab daneysi  ku dhisan ama aragti Siyaasadeed, diineed ama mabaadii’ kaleba. Mar walba dadkaasi waxey geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii ay dhibaatada waddankooda ka dhacday  usoo afjari lahaayeen. Waxaa kaloo ay waddamadaas ay na dheer yihiin iyagoo kala dhaqan duwn, diin duwan, luqad duwan, haddana leysku dayayay sidii danta guud loogu midoobi lahaa.

 

Annaga Soomaali ahaan, innagoo isku diin ah, dhaqan ah, af ah, oo aynaan maanta sawiri karin wax kala duwnaasho ah, oo labada qof ee Soomaaliga ah ay ku kala duwn yihiin, oo aan ka aheyn kaliya labada aabe ay kal sheegtaan mooyee, ayaa haddana dunidu ay nala yaaban tahay waxa aynu u heshiin la’nahay. Dagaal wuu dhex mari karaa ummadda, xitaa iyagoo isku diin ah, laakiin dagaal waxaa mar walba daba yaala heshiis. Heshiis wuxuu imaan karaa markey diyaar u yihiin labada  dhinac ama jaanib ee ishaya. Soomaalidu waxey tiraahdaa { Gari laba qofood kama wada Qosliso }, tiiyo ay jirto qofku waa inay garna gashaa , kana baxdaa. Waa in uu jiraa isu tanaasul ka yimaada jaanibyada is haya. Hadduu qofku ku soo xisaabtamo, illa waa illaa adiga gar leh, ee waa in aad garta heshaa, runtii waa ayaandaro, oo wax natiijo ah oo la gaarayo marna ma jireyso.

 

Waxaa Soomaali loo qabtay dhowr iyo toban shir iyo weliba in ka baddan, oo loogu magac daray shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, waxaa dhammaantood lagu wada qabtay waddanka dibaddiisa. Wey dhici kartay in lagu soo dhiso dowlado, laakiin aan raali laga wada aheyn ama qof walba markuu muraayadda iska dhex arki waayo uu yiraahdo shirka looma dhameyn. Shirarkaas loo qabtay Soomaalida waxyaalaha ugu waaweyn ee fashiliya waxaa ugu muhiimsan arimaha soo socda:-

 

-         Waddaniyad la’aan

-         Qabyaalad

-         Reer walba oo ay hogaaminayaan intoodii ugu sharka badneyd.

-         Libinta oon leysu ogoleyn

-         Daneysi gaar ahaaneed

-         Tanaasul la’aan.

-         Fara gelin shisheeye, oo ay nagu kor loolamayaan dowlado fara baddan, oo mid walba ay danteeda gaarka ah ugu jirto arinta Soomaaliya.

-         Dadki Soomaali inay hor kacaan ama xalkeeda hayey oon shirarka lagu casumin ama looba ogoleyn.

-         Nimankii Soomaaliya dhibkeeda asalka u ahaa, oo weli iyagii la dhex dhexaadinayo, ama matalaya Dowladda.

-         Caam ahaan shicibka, oon kala garaneyn waxey dantooda ku jirto, oo mar walba mujrim ay isku qolo yihiin isaga sacab tumaya..

-         Dhammaan shirarkaas oo lagu qabtay waddanka dibaddiisa.

 

Haddaba iyadoo ay arimahaas oo idil ay u ahaayeen saldhiga bur burkii ku yimid shirarkii loo qabtay Soomaali, ayaa haddana waxaad moodaa in weli jidkii lagu sii socdo, oo inta Jabuuti  isagu tegaysaa ay intii uun yihiin, dowladihii hor boodi jireyna ay weli sdiii noo hor socdaan, Inkastoo hadda la oran karo nimankii Maxkamadaha, oon iyagu shirarkii hore u dhacay aanan ka qeyb qaadan ayaa kan ku jira, haddana jidku waa isla jidkii, oo haddaan wax baddan la xisaabtamin, oon inta aan meesha madasha shirka la fariisan, ayan koox walba garnaqsan, xaalku wuu adag yahay.

 

Waxaan Hadalkeyga kusoo gunaanadayaa, Soomaaliyeey taas oo jirto haddana marna lagama quusto naxariista Allaah, oo Allaah ayeey talo oo dhan ku xiran tahay, oo Allaah aynu ka rajeyno inuu Nimankaas towfiiqda waafajiyo, oo dantooda garadsiiyo. Dhammaan shicibka Soomaaliyeed waxaan ka codsanyaa inay u duceeyaan, oo Allaah uu shirkaas nooga soo saaro jidkii ay Soomaali isugu iman laheyd, waa hadduu kheyrka noogu jiro. Soomaaliyeey weynu daalnay, dagaal sokeeye weynu wada aragnay dhibtu noo geystay, ee aynu niyada kheyr ka raadino, Allah quraankiisa wuxuu noogu sheegay, oo ah micnaha ugu dhaw { Waxaa dhacda inaad shey karaahsaneysaan, oo uu kheyrka idinkuugu jiro, sidoo kale waxaa dhacda inaad shey jecleysanaysaan, oo shar idiin yahay, Allaah baase garanaya, oo dinku ma garaneysaan .}.

 

Intaas ayaan maqaalkeygii kusoo koobayaa, oo wixii  aan xaqa ku asiibay waxey u sugnaadeen Allaah, wixii aan ku gafeyna waa nafteyda iyo sheydaan.

 

Wabillaahi Towfiiq

Qalinkii:- Cabdixakiim Jaamac Jooje

webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________