Taageeradda Mudaaharaadka London Ee Jimcaha.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-12/04/2007
Ra'yi
 April  12/ 2007
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabad,Midnimada Iyo Cadaaladda oo ka
duulaayaa Masuuliyada Qarameed iyo Akhlaaqeedba waxeey halkan ku cadeeynayaan
in eey si buuxada u taageeraayaan Mudaaharaadka Wadaniyiinta Somaaliyeed eey ku
Dhigi doonaan Magaaladda London,looguna soo hor-jeedo fara-gelinta iyo dhibaatadda
xad dhyaafka oo eey Dowladda Mareeykanku ka wadaan Dalkeena hooyo,tacadiyadda
eey ku hayaan Ummadda Somaaliyeed.
 
 
        Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si weyn ula duuban yahay Qaban-qaabiyaasha
Mudaaharaadka, inagoo la garab taagan hiil iyo hooba,kuna boorineeyna Jaaliyadda ku
Dhaqan Dalkan UK in eey sida ku haboon uga soo qeyb galaan, iyagoo gudanaaya Xilka
ama Masuuliyada Diineed,Qarameed iyo Akhlaaqeed oo ka Saaran Dalkooda Hooyo,
iyadoo la wadda ogyahay dhibaatada,Xasuuqyadda,gumaadka iyo tacadiyada badan
oo laga galay Bulshadda Somaaliyeed,gaar ahaan kuwa ku dhaqan Caasimada Qaranka.
 
 
        Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed waxeey cadeeynayaan in Ahamiyada Mudaaharaadku
yahay muujinta sida Jaaliyadda Somaaliyeed ee Wadaniyiinta ah u diidan tahay,si
Cadna u cambaareeynaayaan Duulimaadka Ciidanka Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo habka
Xaaranta ah oo eey u taageertay Dowladda Mareeykanka oo ah aabaha Gumeeysigga
Cusub.Jaaliyadda Wadaniyiinta ahi ma qaadan karaayaan Duqeeynta Dayuuraduhu ku
hayaan Dhulkeena Hooyo, iyo Af-duubka ama Qafaalka joogtada ah ee lagu hayo Dadka
Somaaliyeed gaar ahaa-Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka iyo guud ahaanba waxgaradka.
 
 
        Dahq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ku adkeeynaayaa Jaaliyadda in eey gartaan
Ahamiyadda Mudaaharaadkaasu leeyahay iyo qiimaha wuu ugu fadhiyo guud ahaanba
Jiritaanka iyo Qaran-nimadda Somaaliyeed,Jaaliyadooy eeynu gudano Masuuliyadda
Dalkeena iyo Dadkeena inaga Saaran, Somaaliya Somaali baa leh,Mudaaharaadku
Wuxuu Dhici doonaa Jimcaha 13/04/2007-
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 11/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de

Webmaster@calayaale.com

 

_________________________________________________________