Calayaale Falaqaynta
Abaar: Gaajo ,cabsi, Maxaa kaloo u
Wehliya dadka kasoo
jeeda Bay,
Bakool, Sh/hoose, Sh/dhexe
iyo Exbanadir.
Dadka kasoo jeeda gobolada Bay, Bakool,
Sh/hoose, Sh/dhexe
iyo Exbanadir oo ay
dhibaatooyinka nolol
xumuda tii ugu xumeyd
ee Tariiqda
somaaliya soo marta
ay haysato, ayna
usii dheertahay Abaarta,
maxaa kaloo u wehliya
dhibaatooyinka
haysta loona bahanyahay in ay
warbahinta ka
waranto umadana u
sheegto.

Kooxda Al Shabaab
Waxay Cabsi
joogto ah geliyeen
xuriyadii dadka iyo duunyadii
waxayna dul dhigeen
Amaro ay jeebka kala
soo baxayaan ayna
racinayaan waa amar
diin lamana diido
karo cidii diida waa
danbiile , waxay
Baralaydii iyo Xoola
dhaqatii ku
qasbaneen in loo
awood sheegto kuna
qasbanadeen in wixii
la doono lagu fuliyo
.
Waxaa loogu sii
daray in Caruurtii iyo Haweenkii
xooga u ahaa laga
sii wato iyadana la
yiraa waa Amar
lamana diido karo ,hortoodana
lagu wato caruurtii
wax u tari laheed,
waana xoogii ay ku
tiirsanayeen
reerguraaga iyo
beralayda dhalintaas
oo
shaqo adag u
hayay,
waxaana Muuqato
Kooxda
Madaxdeeda iyo
horjogayasheefda in ay aysan ka fikirin
Ficilada ay dadka
xoola dhaqatada ah
iyo beeralayda ay
kula kacaayaan
caawaqib xumada ka
dhalankarto ,maantana
Aqli xumadaas wixii
ka dhashay waa tan
dhibaatada xooga
badan
dhaxalsiisay dadkii
ay gumaysteen dhaqan
xumada.

Markaad Fiirsid Hab
dhaqanka Dadka
kunool ,gobolada
Ex
Banadir , Bay,
Bakool, Sh/hoose, Sh/dhexe
,Waa dad ku
tiirsan sida caadiga ah Nolasha
Beeraha iyo Xoolaha
waxaana dhulka ugu
qanisan dhamaan
dhulka ay somaalida
degto uguna
dhibaatada badan,
dadkiisuna mar walba
ay lasoo daristo
macluul iyo abaaro
aan dhamaad laheen
markii ay isku
badalaan xukunka
dhulkooda kuwa
aan u diirnaxeen
cayriin iyo biseel
waxay haystaana ka
qataan .

Haddaad Firisid
warbahinta somaalida waxay
macluusha inta badan
dusha ka saraan
Abaaraha waxayna
qiriyaan wixii
sababay in
maclushaan in dhacdo
waxa keenay waxa uu
yahay ,
waxaana la
qariyaa
Warka Xaqiiqdiisa
waxaana la shegaa
waraan jirin oo ben
abuur ah ,waxaana la
yiraahdaa abaarta
waxa keenay roobkii
aan da'in, waxaadna
arkaysaa in
roobabkii ay meel
walba buux dhafiyeen
biyihiisa .

Waxaa Tartan hadana
loo galaa in haydaha
Galada dolar badan
sidii looga gurbsan
lahaa in laga
shaqeeyo oo qaylo
dhaan abareed la
sameeyo , oo
marlabaad dadkii
dhibaatasnaa aan
waxaba loo qabaneen
magocoodii uu naqday
oo kaliy mid lagu
qarabanaayo .



Alle
Subxaanahu Watacalaa Waxa uu yiri , isku
naxariista kuwa dhulka ku suganow ,markaad
isku naxariisataan waxaad helaysaan naxariista
Allaha wax kasta kasareeyo,
Naxariista Ilaahay waxaa u bahan Noolaha
dhulka kunool oo dhan , dadkaan Dhibaataysan
waxaa degaankooda Gacanta ku hayso kooxda
Alshabaab waxayna ulla dhaqmeen si
naxariista eebe ka
fog waxayna ku
abureen cabsi iyo
handaad iyo sharciyo
qalafsan oo ay dul
dhigeen iyagoo aan
ka fiirsaneen
dhaqan xumada ay ku
kacayaan
horjogayashaado
dhaqanka xukun ee ka
been abuuraynaayo
diinta islaamka si
ay dadka u dhacaan
Naxariista eebe waa
waa ay ka fogaatay
dadkiina dhibkii
haystay dhibkalaa
ugu darsamay .,
Gobolada
somaaliya ugu wax
soosaarka badan Bay, Bakool, Sh/hoose, Sh/dhexe
iyo Exbanadir, markii ay roobabka
yaraadan ayaa
marwalba waxaa laga
soo shegaa macluul
iyadoo aysan macluul
ka jirin gobalada
dhaqaxlayda ah ee
aan wax soorka badan
laheen ,
markii la waayo Beertii
cid aada lana waayo
Xoolihii cid usoo
dhaamiso la waayo
Xoggii reerka
qaybtii ugu
Muhiimsaneed cid
qabato ,waxaa xaqiiq
ah in ay
imaanayso Macluul
waa arin iska cad ,
yaa Beertii wabiga
ku ag tiilay
aadi karo haddii uu
roobkii yaraaday
ileen xoogii ay
lahayeen waa uu kala
dhantalanyahay oo
magac jihaad ayaa
qori loogu dhiibay
cid uu dagaal
kala dhexeeyo ma
taqanid ,Waana
Awoodii wax soo
saarka oo loo adeegsaday
dagaal , Kooxda Alshabaab
waxay ka tageen
haweenkii umulaha
ahaa iyo wayeelkii
iyo caruurtii yaa u
maqan mar
hadii xogii laga
watay .
Haddii aysan joojin
dhaca
Dadka Shacabka ah oo
ay ku hayaan
kooxda Alshabaab
sidoo kale aysan
joojin siyaasad
Xumada ay kula
dhaqmayaan yaa
umadaan dhibaatada
ka saari karo , markii ay
dhibaato
lasoo daristo waxay
ku qasban yihiin
inay barakacaan,
mar hadii awoodii ay
lahayeen ay yaraatay
iskuma filnaan
karaan ,wadada u
furan waxay naqatay in ay
naftooda lasoo
cararaan ,
Hadii aysan kooxda
Shabaab Siyaasadooda
wax ka
badalin
dhibatada ay
ku hayaan Xoola
dhaqata iyo
Beralayda oo aysan Joojin lama badbadin karo
Dadkaas ,Gar
gaar iyo gurmad
la garsiiyo dadka
kaligiis dhibaatada
loogama saari karo ,
Haddaan la hellin
Xal ay
degaankoodii dib ugu
laban karaan
dhalintii Xooga u
aheedna ay dib u
hellaan, si ay
beertoodii
dib ugu fashaan
Xolihii ka
baaba'ayna ay dib
ugu abuurtaan, way
adagtahay sidii
dhibaata taagan wax
badan
looga qaban lahaa.

Waxay Arinkaan
ku Xirantahay laba
dhan, dhinaca Kooxda
Alshabaab Fikirkooda
Qalifsan in ay wax
ka badalaan ,
waana in ay ku
Amraan
Horjoogayaashooda in
aysan haweenka
ku Guursan karin xoog, loona
bahanyahay
Haweentii ay
Gursanayaan in ay
is afgartaan
Waalidkii dhalayna
aan meel cidlaha
looga dhaqaaqin ,
lana joojiyo
Gabdhaha ay
reerkooda ka
boobayaan iyagoo aan
wax ixtiraam ah
u haynin reerkii
dhalay Gabadha ,lana
joojiyo magaca diinta
looga been
abuuranaayo,
Tanlabaad , in ay
Joojiyaan in
dhalinta yar yar ee
Reerka Xooga u ah in
aan iyagana la
boobin iyadoo la
adeegsanayo magaca
diinta , laguna
dadaalo sidii
reerkaas uusan u
dumi laheen in marka
hore laga fiirsado
inta aan dhalintooda
dagaaladada loo
dafin , lana waydiiyo
walidkiisa in uu
xoogiisa ka maarmo
hadii uusan ka
maarmina loo sheego
in ay waajib tahay
in uu la jooga walidkiisa
wiilka yar
,qofka ciidanka
naqanaayo laga
waraystaa Xaalada
walidkiis lana
waysdiistaa
waalidkii in uu
raali ka yahay camalka
uu qabanaayo ee aan
la dhihin jihaadka
waa fardulcayn
loomana baahno
idinka waalidka oo
aan diinta laga been
abuuran
.

Haddii aysan dooneen
Kooxda Shabaab in ay
badalaan Dhaqan
xumadaas ay dadka ku
hayaan , Maxaa la
gudboon kuwaan Maga
dowlada Sheganaayo
, Waxaa la gudboon
in ay dhibaatada
kuwa dadka ku haayo
in ay wax ka qabtaan
kana dulqadaan sida
ugu dhaqsiyaha badan ,
Haddii aysan waxba
ka qaban karin kuwa
dhibaata dadka ku
haayo, waxaa la
gudboon in ay
iyagana in ay uMudda
ka hor tagaan oo
aysan dhibaatada
lagu haayo aysan ku
fiirsan , loona
bahan yahay in la
hello cid awood u
leh in ay ka
dul qaado kuwô
dhibaatada dadka ku
haayo .