Asma Cali Axmad waa gabar Sanad iyo 5-bil jir ah, waxeyna la xanuunsanaysaa Madaxa oo ay Biyo kaga jiraan, iyadoo gbartaan oo Hooyadeed lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamd ay sheegtay in dhqaatiirta Soomaaliyeed oo idil ay sheegeen in gabartaan lagu daweyn karo oo kaliya dalka dibadiisa.

Dhaqaatiirta waa weeyn ee Magaalada Muqdisho ayaa gabadhaan yar sheegay in loo bahan yahay in dibadda loo qaado, hase reerka gabadhaan dhalay ayaa sheegay inaysan awoodin inay dibadda u qaadan sababo dhaqaale aawadood.
Gabartaan yar ayaa iyadu lahayn wax dhago ah iyo Indho toona, waxeyna cuuryaan ka tahay sidoo kale gabadhaan Gacmaha iyo Lugaha, mana jirto ilaa iyo hada cid wax u qabatay.

Gabartaan yar ayaa waxaa loo weyiinaa dhamaan dadka Muxsaniinta ah eek u dhaqan dibadda iyo gudaha inay soo gar gaaraan, si loo awoodo in dalka dibadiisa loogu soo daweeyo.
Hooyada dhashay gabadhaan oo lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamd ayaa sheegatay inay ka codsanayso ganacsatada, dadka Soomaaliyeed ee Ilaah wax siiyay iyo Hey’adaha Gar gaarka inay gacan ka siiyaan si gabadhaasi yar loogu diri dalka dibadiisa si loogu soo daweeyo.
Hadaba cid kasta oo doonaysa inay gar gaar u fidiso gabadhaan waxey la soo xiriiri kartaa telefanka Nmabrkiisu yahay Tel:002521-5315681 oo laga helo Hooyada dhashay gabadhaan oo lagu magacaabo Faadumo Axmad Maxamd.

aduunyo5@yahoo.com
Maxamuud XAsan Cumar
Muqdisho somaliya
002521/5506210
002525/920670
Welcome to Calayaale
Page
Sign kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Read
Akhriso

Maxamuud XAsan Cumar
Muqdisho somaliya
Xafiiska wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
Webmaster@calayaale.com
kalasoo xiriir