
Xerada
ahlu kheyr waxaa ku jira dad waalan oo tiradoodu gaarayso guud ahaan
41/39 ka mid ah waa rag halka labada soo hartayna ay dumar yihiin
agoonta ayaa ah 16 ay da'doodu ka hoosayso ilaa 10 sano jir sidoo kale
caruurta derbi jiifka ee ku jirtaa ayaa tiradoodu dhan tahay 70 caruur
somaliyeed ah waxaana ay u dhaxeeyaan kuwa ku jiray xereadaan ugu
badnaan 10 sanno ug yaraana laba sananadood waxaana ay ka helaan daryeel
guud xanaano waxbarasho kuwa yaryarna waxaa la siiyaa caano iyada oo
lagu masruufo qarash laga so uruuriyoshacabka somaliyeed oo danbiil
lala dheh wareego suuqyada qaarkood ,Qar ka mid ah dadkaan waalan oo aan
si tijaabo ahaan ah ula hadlay ayaan ii suurta gelin in aan ka helo
warbixin ku aadan xaaladooda waxeyna u qeybsamaan qeyb aan hadlayn iyo
kuwa isku darsoomay oo aan la fahmeyn hadalkooda iyo ujeedada ay ka
leeyihiin waxeyna kuu sheegayaan hadalo aan meel loo raaco iyo ujeedo
toona laheyn waxaadnja fahmaysaa in jirkooda oo keliye uu joogo ee
qabigoodu uu maqan yahay ,Cusmaan maxamed nuu r( xiirane ) isagu labada
gacmoo dayuu ka xiran yahay wuxuuna ku dul fadhiyaa sariir mana hadlayo
in uu mar mar qoslo mooyee ,Sidoo kale waxaa isne lugta bidix ka xiran
Cabduiqaadir Ibraahin Abaadir oo qeylo darteed afkiisu isqabaneyn isaga
oo ku heesayo heeso hindi.

Agoonka aabihii
geeriyooday ruuxii madaxiisa u salaaxo in danbigiisa oo dhan lagu
hoobinaayo inta aad madaxa u salaaxayso ,maxaad u malaynaysaa qofkii ka
farxiyey oo dhar uu ku cido u gaday iyada oo ah maalin ciida ah intii uu
murugoon lahaa oo uu san heysan dhar uu ku ciido ,tankale waxaa la
wariyey in ey xaraadan haweeney fasahaadsan oo jirkeeda ka ganacsada
biyo ay siisay darteed in ilaahay jano ku dejiyey danbigeediina halkaa
lagu dhaafay eygaas ay u naxariisatay dartiis maxaad u malayneysaa hadii
aad wax siiso dadka waalan, caruurta agoonta ah ,iyo kuwa darbi jiifka
loo yaqaano ee aan waxba heysan.
Cabduqaadir Maxamed
Cusman” waxaa i soo wakiishay jaaliyada somaliyeed ee dalka fiiland gaar
ahaan magaalada turkuu waxeyna igu amaaneysteen oo ay ii soo dhiibteen
deeq lacageed $1000 doolar eheyd ee ay iisoo wakiisheen waxaan si ansax
ah oo ay ogoshahay diinta islaamku aan amaanadaas ugu wareejiyey
agoonta iyo dadka waalan ee ku dhibaataysan magaalada muqdisho gaar
ahaan kuwa lagu xanaaneeyo xarunta ehlu khayr ee uu gudomiyaha ka yahay
cabdiraxman macow xaaji maxamed sidaa daraadeed aniga oo ka wakiil ah
waxaan si ansax ah oo diinta islaamku qabto ugu wareejiyey agoonta uu
wakiilka ka yahay cabdiraxman ahlu kheyr “

Cabdiraxman
Macow Xaaji Maxamed”walaalayaal sida aad arkeynaa aniga oo ah maamulaha
xarunta ahlu kheyr ee daryeelka caruurta derbi jiifka ah agoonta iyo
dadka waalan waxaa si amaano ah uu igu soo gaarsiiyey walaalkey
Cabduqaadir maxamed cusman igu soo gaarsiiyey lacag kun doolar $1000 ah
oo ay soo direen walaalaheena somaliyeed ee degan dalka fiiland gaar
ahaan turkuud lacagtaas waa gudoomay waxaana u gudoomay iyada oo an
aheyn hanti aan leeyahay balse ay tahay deeq loogu deeqay dadka
waalan,caruurta derbiya jiifka ah ,iyo agoonta ilaahey subxaana
watacaalaa amaanadii waa ku xafiday cabduqaadir waana I soo garsiiyey
anigana waxaan weydiisanayaa in uu igu xafido oo aan gaarsiiyo halkii
loogu talagalay walaalaha soo dirayna ka badan oo barako leh allaha
siiyo muraadadoodana allaha u saxlo aduunyo iyo aakhiraba alaha u
hagaajiyo “ ahlu kheyr wuxuu intaa ku daray isaga oo hadalkiisii sii
wato wuxuu codsaday in ay sii wadaan tabarucaada ay siinayaan dadka
dhibaateysan ,deeqdii na soo gaartay waxey u isticmaalnay sidaan $550
doolar daawo .rashin , iyo dhar ayaa laagu iibiyey dadka wqaalan darbi
jiifka waxaan u qoondeynay $200 doolar halka agoonta loo siiyey kaash
iyo dhar ciideed $250 doolar , waxaa iyane deeq lacageed oo gaaraysa $
300 soo dhiibay gabdho somaliyeed oo ku sugan dalka swiserland
madasatul alnuur waxaana ka mid ahaa saaqo iyo dahabo sh: c/lahi iyada o
laba boqol doolar la siiyey dadka waalan iyo derbi jiifka yaryar inta
kalana waxaa la siiyey i6 agoon ah iyo afar ka mid ah hooyooyinkii
dhalay caruurtaa oo joogjoogayaal ka haa munaasibadii manta ka dhacday
xarunta ahlu kheyr ee ku taal xaafada waaberi ee magalaada muqdisho .


Sidoo
kale waxaa iyane deeq lacageed garayso $320 soo gaarsiiyey xarunta ahlu
kheyr gabdho somaliyeed oo ku nool dalka ingiriika kuwaas oo ku bahoobay
daryeelka walaalaha tawakal gabdhahaan waa diideen magacooda in la xuso
sababo sadaqo awadeed
$20 waxey yiraahdeen
sakaatul fitri halaga dhigo iyada oo lagu iibiyey galay iyo bariis isla
markaana la gudoonsiiyey dadka waalan sidoo kale $150 doolar caruur
agoon ah ayaa loogu iideeyey inta soo hartayna waxaa loogu adeegay dadka
waalan ee xerada lagu xanaaneeyo.
Ugu danbeyntii wuxuu u
mahad celiyey bahda tv _ga universal iyo website yada dibada ,gudaha iyo
idaacadaha oo uu sheegay in ay u qabtaan shago uu ku tilmaamay in ay
tahay mid heegan ah
------------------------------------

%201.JPG)
Maamulaha
xerada cabdiraxman macow xaaji maxamed oo shir jaraid ku qabtay
xafiiskiisa magaalada muqdisho wuxuuna kaga hadlayey meelo badan oo dan
u ah xaruntiisa iyo asaxaabta lagu xanaaneeyo ee jilicsan wuxuuna ku
xusay shirkiisa jareaid in ay haatan ku jiraan ,qeyla
dhaan ka so yeertay maamulka xerada dadka waalan oo gurigi ay
deganaayeen mudo 20 casho ah lo qabtay in ay kaga guran
isaga oo ku mujinayey
wax qabadka xerada ayu sheegay in ay hada wadan qabanqaabada aroos weyn
oo la doonayo in loo sameeyo madhoodhow oo ka mid ah dadka waalan ee ku
jira xerada isla markaana xaaladiisu ay hada ka soo reyneyso
.waxaanu
dooneynaa
in ay ka qeyb qaataan
ilaa iyo 100
gaari oo mark!! Ah


Dhanka
kale waxaa uu sheegay ahlu khayr in guriga ay degan yihiin oo horey u
ahaa guri jajabnaa uuna isagu dayactir ku sameeyey balse hada loo
sheegay in gurigii cidii laheyd ay u baahan ,waxaa naloo qabtay guriga
in aan kaga guurno mudo 20 cisho gudahood ah laakiin dadka waalan mudo
laba sano ka hor ayaa loo iibiyey dhul ku yaala garas baalay oo ka
kooban boqol mirtir iyo balaca oo 40 ah waana 10 boos laakiinse aan
dhisneyn ,dhulkaas tobanka boos ah mulkiyadoda waxaa ku qoran dadka
waalan oo loo iibiyey waana sado jaariya ah qof somaliyeed oo waalan
intii ay aduunyada joogto ayaa iska leh waana in lagu xanaaneeyo
laakiinse aniga ayaa wakiil ahaan ugu qoran waxaana dadka waalan u
iibiyey dhulkaas nin somaliyeed oo la yiraahdo Faarax Cali Cusman
seeraar kuna nool dalka Canada hadaba hada waxaan dooneynaa dhulkaas in
aan shacabka ku baraarujino sidii dadka waalan loogu dhisi lahaa ,ceel
uga qodi lahaayeen ,cusbitaal uga dhisi lahaayeen dugsi dadka waalan ,agonta
iyo caruurta derbi jiifka ah wax lagu baro llaguna daryeelo looga dhisi
lahaa guri kiro ah ma geli karno waayo dad waalan tiro ahaan ka badan 40
ruux ,agoon iyo Caruur derbi jiif ah cid kaa yeeleyso in gurigeeda lagu
xareeyo ma jirto amaankoodana lama damaanad qaadi karo ayuu yiri ahlu
qeyr oo hadalkiisa ku daray ,arintaan ayuu sheegay in ay tahay sadaqo
jaariya ah una furan tahay cidii ka qeyb qadaneyso dalka iyo dibada.





Maxamuud Xasan Cumar Aduunyo
Wariyaha
Muqdisho somaliya
002521/5506210
002525/920670
Xafiiska wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
Webmaster@calayaale.com
kalasoo xiriir