Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa wali ka socda qeybo
ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo habeenkii 5aad oo Bandow uu saaraan
yahay dagaalka caawa ayaa lagu qiyaasay inuu ka socda inta u dhaxeysa Ifka
xalane ilaa iyo Warshada Sigaarka iyo Taraqa .
Dagaalka oo sii xoogeysanaayo xiliba xiliga ka danbeya ayaa illaa iyo haatan
inta la ogyahay waxaa dhacay 3 qarax oo weyn lagana maqlay qeybo ka mid ah
magaalada Muqdisho iyadoo aan wali la ogeyn qasaaraha ay geeysteen qaraxyadaasi
iyo waxa ay yihiin waqtiga lagu jiro oo ah Mid Roob da'aayo iyo goobta
xabada ay ka dhaceysa oo ah meel mugdi ah.
Sidoo kale lama oga goobaha rasmiga ah oo ay ka dhaceen
qaraxyadaasi iyo cidda lala beegsadey, laakiin qaraxyada ka dib ayaa la maqley
rasaas xoogan oo la is dhaafsadey tasoo lagu qiyaasay inay ka socoto inta
u dhaxeysa Ifka xalane ilaa iyo Warshada Sigaarka iyo Taraqa.
Waa habeenkii 5aad oo ay magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan qaraxyo iyo rasaas
la is weydaarsanaayo mararka qaar taasoo dhex marta ciidamad dowladda Somalia ee
ilaalinaya Bandowga iyo kooxo kaspoo horjeedda.
Muqdisho soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de