Waxaan dood badan ka
taagnayn in DFKM afka dhulka la gashay, Baydhabana uu
diyaar ku yahay hantoolki DFKM meykeeda looga qaadi
lahaa magaaladaas Baydhabo. asbaaba badan oo aanan
halkan lagu soo koobi Karin. asbaabahaas waxaa ugu
horeeyo ,uguna danbeeyo damaca diktatoornimo ee
madaxweynaha Somaaliya Cabdullahi Yusuf iyo muga
dhibaatada ka jirto waddankeena oo iyaga maanta ah, laba
shay oo aanan is-xanbaari Karin, marka laga reebo in
noqoshada madaxweyne ee Cabdullahi Yusuf, run ahaanti
noqotay daadki uu ku ribeeyay isaga naf'ahaantiisa iyo
in maanta ay mowjada daadkaas dusheeda sabaynayaan
dhamaan hogaamiyayaashi Soomaaliya la haray guud ahaan
oo uu ku jiro Cabdulahi Yusuf iyo gaar ahaan kuwi la
haray koofurta dalka iyo Caasumada Somaaliyeed Muqdisho
.
Aan u dhacno gunta
qoraalkan oo ah mid ku saabsan xaalada foosha xun ee ka
jirto hoygeeni-weynaa, halbowleheeni, Caasumadi
Soomaaliyeed iyo Nuurki dadki reer Banaadir Muqdisho ama
Xamar Cade.
Xamar cade waxaa ku daatay
dhiig aad u fara badan, laga soo bilaabo 1990, marki
xukunka laga tuuray dowladi milatariga ahayd oo uu
horkacayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare (allah ha u
naxariistee) ilaa iyo maanta, mana jirto tan iyo
waqtigaas, cid isku howshay isu keenida dadki dagaalka u
dhaxeeyay, wada-hadalsiintooda iyo xal u helida
waxyaabihi la siku dilayba, welina ma muuqdo ifafaalo
looga gudbo dhiig danbe oo aanan magaaladaas ku daadan.
Dhinacaad doonto u dhig,
dagaalki u danbeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay
wuxuu u dhaxeeyay shayaadiin indhaha ku furay,
gacantooda oo ay ku jirto howl aynan lahayn horkaceeda.
Wuxuu u dhaxeeyay qabqablayaal falisay oo uu ka
dhamaaday, hadaladi dhiilada ahaa oo ay dadka ku dagaal
gelin jireen, qabqablayaashan oo shan iyo toban sano,
marna saaxiba ahaa ,marna is-colaadin jiray, waxay la
soo baxeen farsamo hor leh oo ah ,waxaan nahay wadaado
xambaarsan Diinta Islaamka iyo waxaan nahay argagixis la
dirir(oo looga jeedo wadaada la dirir).
Runtii waa jiraan wadaado
dhab loo dulmay oo iyaga loo gacan geliyay dalal
shisheeye oo colaadin ku haayo Diinta Islaamka ,wadaadaas
badankooda waxay ka soo carareen xukunka ditatooriga ah
ee ka taliyo dalka xabashida ,sifada wadaadan waa
wadaado ku takhakhusay fidinta Diinta Islaamka si wacan
,mana ahan xukun doon, waana runti wadaada ah
ahlu-thikri ,kuwi ilaahey quraankiisa ku sheegay ,
run-ahaantiina waa kuwa ay Yahuudo doonayso in ay
xirxirto, waxayna soo qabashadooda u adeegsatay kooxa
calooshood u shaqaytayaal ah oo siyaaba kala duwan uga
howl galo magaalada Muqdisho iyo goballada loogu kala
yeero Puntland iyo Somaliland.
Wadaadada wacan ,waxaa
iyagana ka mid ah laba koox oo joogo magaalada Muqdisho
iyo meelo kale oo ka mid ah waddanka ,wadaadan iyaga
ma'ahan kuwa dowr ku leh dagaalada ka soo cusboonaaday
magaalada Muqdisho ,waxayna wadaadan u kala baxaan
wadaado ka taliyo maxaakim islaamiya oo ku kooban xal u
helida khilaafaadka maalinlaha ah ee soo kala dhax galo
dadyowga ku nool xaafadaha ay ka arrimiyaan maxaakimkan,
qeybta labaad ee wadaadan iyagana waa kuwa ku howlan
kor-u-qaadida tayada Diinta Islaamka iyo wacyi gelinta
dadyowga reer Muqdisho. Markaan hoos u dhigana, ma jirto
cid diidan in ay wadaadan ahaadaan, kuwa ummada u
horkaco, waddadi looga bixi lahaa dhibaatadan loo maara
waayay ee Soomaaliweyn ku dul raagtay.
Magaalada Muqdisho waa
ciirinaysaa ,waxaana buux dhaafiyay kooxo fara badan oo
aad ugu kala duwan xagga fikirka ,magaalada waxaa
burburiyay damac qabiil oo ahaa in reer kaliya gacanta
ku dhigo halbowlaha laga maamulo arrimaha Soomaalida ,laakin
guul darradi ay qabaa'ilkaas kala kulmeen gaarida
hadafkooda iyo burburki ku yimid dowladi dhexe, waxaa ka
dhashy kooxa fara badan ,kooxaahaas waxay kala yihiin
kooxo ku hoos dhuumaalaysanayo huwashada mara madow oo
ay ku qoran tahay waxaana nahay wadaado, wadaadan waxay
kala yihiin Itixaad, Islaax, Tabliig, Takfiir, Suufiyo
iwm. wadaadadi ku gacan lahaa dagaaladi u danbeeyay ee
Muqdisho ka dhacay, waxay ahaayeen Al-Itixaad oo huwan
laba maro oo dhiig leh , oo aanan is qarin, oo kala ah
Qabiil iyo Diin ,waxaana sugayo oo u fadhiyo in ay
fikirkooda xoog ku marsiiyaan, kooxaha ay hadda dagaalka
kula jiraan iyo kooxaha wadaada isku sheegaa, sidooda,
oo aan kor ku soo xusnay, dhibatada ay keenaan kooxahan
dhamaan, waxay badankeeda ku dhacaysaa dad aanan dowr ku
lahayn, herdan wasaqaysan oo aanan lagu gaarayn hadaf
wacan ee ummaddeena u horseedi karo ,waddo looga baxo
mugdigan ummadda ku habsaday.
Waxaa iyagana magaalada ka
jiro qabqablayaal fara badan oo hubaysan, marna ku habar
kacsado qabiil, marna isbahaysi, mar kalana ka mid ah
wadaada isku sheega , qabqablayaashan hadafkooda guud
waa mid ay ka siman yihiin, oo ah yeynan jirin wax
hagaago, kol haddii waddankan oo dib lugihiisa ugu
istaago ay iyaga ku kalifayso, in ay waayaan danhooda
gaarka ah ,gaar ahaan saldanad aynan ay iyaga lahayn
hogaaminteeda.
Muqdisho bukaanka yaal
iyo in uunan dhiig danbe ku daadan waxaa looga bixi
karaa oo kaliya, iyada oo si kor ah loo canbaareeyo, lana
joojiya dhiirigelinta ka qeybqaadashada kulamada ay soo
abaabulaan kooxa dana gaar ah leh, faraski kibirkana
saaran, sida mathalan, fadhiyada ay ku kulmaan kooxaha
isku magaacabay isbahaysiga la dagaalanka argigixisada,
gole ku sheega Golaha Deegaanka Banaadir, maxaakimka
aanan la aqoon yaa madax u ah, majana u ah ,waxaan ugu
jeedaa maxaakimka Marna Xasan Daahir Aweys horboodayo,
marna Shikh Sharif Axmed oo isaga inta badan ku
tilmaamaan wadaad dhab ah ,laakin ku dhax milqay
waddaado iyaga ku danaysto Diinta islaamka iyo
sideedaba jojinta ka qeybqaadashada fadhi kasto oo aynan
ku dhamayn badanka dadka loo yaqaanaa in ay yihiin
akhyaarta reer Muqdisho.
Dad badan ayaa isweydiinayo
,Akhyaarta reer Muqdisho waayo, jawaabta waa sahlantahay
,akhyaarta Muqdisho waxaa ah cid allah, ciddi doonayso
in aanan lagu dul rabeyn, dushoodana aanan dagaal lagu
abaabulin dadyowga ku nool magaalada Muqdisho ,waxaa
akhyaar ah, ruuxi doonayo in magaaladan loo daayo hogaan
karti u leh maareynteeda, dadkeedana yaqaan waxay
tabanayaan, Soomaalina u horseedi karo in ay mar kale
cagaheeda ku istaagto.
Dhamaadka maqaalkan waxaan
Fariin ugu diriyaa, dhamaan inta ay taabanayso ,xanuunjinayso
dhiig danbe oo hadaf la'aan ugu daato magaalada Muqdisho,
in ay u joogsadaan dabar ku qabashada iyo ka hortago
kooxaha beryahan kibirka madax wareemay , xisaab la'aana
is-baday xoog sheegasho, horay loogu hungoobay.
Dad badan ayaa dagaalka u
arko wax xun,dagaalka wuxuu xun yahay oo kaliya ,kolki
uu dabada ku haayo fulinta dulmi aanan loom meel dayin ,hadafka
ka danbeeyana uu yahay mugdi-gelinta ummad dhan
masiirkeeda, sida kan ay hadda abaabulayaan shaqsiyaad
aan magacooda ku baranay shan iyo tobanki sano oo ay
soomaaliweyn ku jirtay mugdiga ,shaqsiyaadkan waxay
dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ilaa kismaayo u
diideen in ay ku noolaadaan nabad iyo nolol wacan .
War iyo dhamaantiis
dadaal ayaa nala faray ,waana u taagan-nahay, laakin
howsha waxay u muuqataa kooxaha beryahan saaran faraska
shaydaanka in ay u muuqdaan, in la gaaray dhamaadkoodi,
mowjada ay saaran yihiina, kaga degayaan oo kaliya
dhimasho iyo iyaga oo buux dhaafiyo xabsiyo aanan maanta
xisaabkooda ku jirin.
03/04/2006
by:Abdallah Moallim mahamud
email:Moallem10@hotmail.com