TALKING POINT BY

Email: Moallem10@hotmail.com
Cabdalla Macalim Maxamud (Cabdullahi siyaasi)

Ra'yiga Qoraaga
 November 19/2005

                           

 

Shariif Xasan ,Balamaanka Oo Aad Jowhar ku Shiriso waa Guusha Soomalida, Waana Guushaada

Aan wada hadalno, khilaafkeenana aan miiska dushiisa ku dhameyno, waa tilaab wacan oo ay horay u qaadeen Shariifka iyo xubnaha kale ee golaha Shacabka intooda badan, kuna sugan magaalada Muqdisho.
 Waxaa su'aal ka taagan tahay ,ummadda Somaliyeedna bilowday meel walbo oo ay joogaan , in ay isla dhaxmaraan,isna weydiiyaan, qaabkee ayuu Shariifka doonayaa in loo xaliyo arrimaha la isku maandhaafay?, qaabkeese reer Jowhar u arkaan wada hadalka ay reer Xamar ogolaadeen shuruud la'aan?.
 Marki aan ku hormaro ,qaabkee Shariifka doonayaa in loo maro xal u helida arrimaha la isku maandhaafay, waxaa xaqiiqa ah, marnana aanan la reed mari-karin, in Shariif Xasan khalad weyn ka galay Barlamaanka uu madaxda ka yahay iyo ummadda Soomaaliyeed,..waayo Shariifka, afhayeenka Barlamaanka  ,marnaba loogama baahnayn in uu dhinac la safto qeybaha uu u qaybsamay barlamaanka oo ra'yi ahaan isku maandhaafay, sidee loo adkeeyaa ama looga hortagaa, codsiga Madaxweynaha Soomaliya ee ahaa ciidamada dowladaha deriska la ah Soomaliya, ha ka mid noqdaan ciidamada uu ugu baaqay in adduunweynaha nagaga kaalmeeyo, sidi hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka hubaysan si dhaxdhaxaadnimo ah. Iyo iyadana is-maandhaaf ka soo baxay dowladda ha degto magaalada Muqdisho caasumadda Soomaaliya iyo dowladda waxay degee Baydhabo iyo Jowhar midkood oo magaalada Muqdisho nabad maahan. dhinaca kale lama inkiro karo, Afhayeenka Barlamaanka in uu guul weyn u soo hooyay ummadda Soomaaliyeed kolki uu ku guulaystay in uu qabsooma shirki ay barlamaaniyiinta intooda badan ku diideen imaantinka ciidamada deriska la ah waddanka Soomaaliyeed
 
Shariifka, qaabkee doonayaa in wax loo xaliyo, waa mid isaga iyo kooxduu la saftay laga sugaayo jawaabteeda, laakin waxaan kula talinaynaa in uunan khalad khalad kale ku saxin ,ogoodana in aynan maanta  Soomaliweyn u baahnayn mucaradad wax  dumiyo ,balse ay ummadda  u baahntahay mucaaradad wax  dhiso. Shariifka, waxaan ugu baaqaynaa in uu barlamaanka ku shiriyo magaalada Jowhar, xubnaha oo dhanna ugu yeero imaantinka magaalada Jowhar, kana tanaasulo  la safnaashada mid ka mid ah fikradaha xubnaha barlamaanka ee iska soo horjeedo, sidoo kale waa in uu ka tanaasulaa ku dheganaashada dowladda ha timaado Magaalada Muqdisho oo iyada ah xaq baadil laga rabo, kol haddii uunan isagaba tegi karin meelo badan oo ka mid ah Muqdisho, isaga oo dhinac la safan dhinacyada Soomalida ee isku haysto in dhinac walbo taladiisa noqoto tan lagu wada shaqeeyo.. tan danbe, waxay cadeyneysaa u baahnaashada in ay dowladda degto meel nabad ah oo ay howsheeda ka bilowda, si ay nabad, kala danbayn iyo sharciga oo lagu dhaqmo, si tartiib ah ugu soo gudbiso caasumadda dalka Soomaaliya, Muqdisho.gaar ahaan iyo guud ahaan dalka intiisa kale.
 
Shariifka, afhayeenka Barlameenka, marka aan Jowhar ugu baaqaynaa ,macnaheeda ma'ahan isdhiib ama in aan ka doonayno in uu ku fikir noqdo Madaxweynaha iyo Wasiirka kowwaad, laakin waxaan ka rabanaa in uu fududeeyo in laga gudbo, iska daba raaraca iyo in laga guulaysto kooxaha aanan doonayn Soomali oo mar kale lugaheeda ku istaagto, yeelatana dowlad ka madax-banaan qabiil,qab-qable dagaal,dhuuni-raac iyo kaligiis taliye.
 
  Shariifka waa in uu maanka ku hayaa, maanta in uunan jirin khilaaf buuran oo la isku haysto, maadaamo ay Madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad si kor ah u sheegeen, una  aqbaleen in ay ka tanaasuleen imaatinka ciidamada safka hore ee dalka Soomaaliya gudihiisa  ,sidaa darteed isagana waa in uu ka tanaasulaa Dowlada howsheeda ha ka bilowda Caasumadda Soomaliya ,waayo waxaa xaqiiqa ah in ay adagtahay in ay dowladda ka howl gasho halki uu maska ku qaniinay kuwi iyada ka horeeyay dhamaan iyo in aynan suurta-gal ahayn tegista meeshi sabab u hayd burburki ku yimd dowladahaas dibadda dalka lagu soo wada dhisay. waxaa kale oo xaqiiqa ah ,cidnana aanan laga qarin Karin, kala danbayn la'aanta iyo is jiid-jiidka ka jiro magaalada Muqdisho .
 
  Shariifka waxaan ku adkaynaynaa in uu isu sheego ,khilaafka ka dhax jiro dowladda in uu salka ku haayo kala qaybsanaanta barlamaanka uu madaxda ka yahay, sidaa darteed waxaan ka sugaynaa ku dhaqaaqida in uu ku dhaqmo talooyinka wacan ee kaga imaanayo ummadda Soomaaliyeed ama uu la yimaado talo wacan oo isaga ka soo burqato oo wax ka beddeli karto xaalada xun oo uu ku jiro barlamaanka  ,taasoo dowlada u horseedi karto in ay ku shaqayso jawi wacan oo u ogolaanaayo, dib u dhisida kaabayaasha dowladda iyo guud ahaan soo celinta kala danbaynta iyo sharciga oo lagu dhaqmo ,Shariifka haddii uunan qaadan talooyinka wacan ee loo soo jeedinayo ama uunan isaga la imaan mid wanaagsan, waxaa rumaysanaynaa shuushuuda ka jirto magaalada Muqdisho oo ah ,Shariifka ma;ahan shakhsi u madax-banaan fikirkiisa ,waxaana wax walbo oo loo sheego wax ka beddeli karo telephone uu u soo diro mid ka mid ah madaxda Mooryaanta Muqdisho ugu tabar-yar, uguna dhul-yar deegaanada uu ka taliyo magaalada Muqdisho.
 
Qaabkee reer  Jowhar u arkaan wadahadalka shuruud la'aanta ah oo ay ugu baaqeen reer xamar, su'aashan waxaan ka leenahay waa mid iyaga laga sugaayo jawaabteeda ,laakin waxaan kula talinaynaa in ay si miyir qabto oo miisaanaan u soo dhoweeyaan baaqaas iyagoo ka hal qaadayo in ummadda Soomaliyeed ka daashay, dhegaysiga khilaaf aanan dhamaan oo ka soo yeerayo dadki ay u xilsaareen, xal u helida murugada ummadda soomaliyeed ku dul habsatay tan iyo inti xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamed siyaad (allah ha u naxariitee) ,waxaa kale oo aan Madaxweynaha iyo wasiirka koowaad ugu yeeraynaa in ay faraha kala baxaan arrimaha barlamaanka marki laga reebo in ay shariifka iyo xubnaha kale ee barlamaanka ugu baaqaan imaantinga magaalada Jowhar, una habeeyaan goobihi uu barlamaanka ku shaqayn lahaa, taa haddii la waayo ,waxaan rumaysnaynaa in aynan dowladan ahayn mid u madaxbanaan talooyinkeeda iyo in uu madaxweynaha ku taamayo ka guul keenida gaarista xukun aanan looga daba hadlin ,sharci iyo dastuurna aanan ku dhaqmin midkood, haddii ay run noqoto tan danbe ,ogaada in aad gacanta ku sidataan galka(Faylka) fashilnaanta dowladdan iyo murugada Soomaalida oo u gudubto shir kale oo aanan la ogayn natiijadiisa ,waaba haddii uu qabsooma .17\11/2005
 
Abdallah Moallim mahamud

 

_________________________________________________________