|
|
|
|
Cabdalla
Macalim Maxamud (Cabdullahi Siyaasi)
|
|
|
|
Mudane Cabdalla Macalim Maxamud (Cabdullahi
siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Heshiisiinta
Geele Damacsanyahay, Dhamaadkeeda waa Macruuf
Bilow
iyo dhamaad waa uun shinbirayahow heesa,shan iyo toban sano
heesa ,u heesa bulsho u heelan in ay idinla qaadaan hadba heesta
aad u meerisaan. u heesa bulsha aad dhinac baad kaga qaadaan ,dhinacna
ugu yeertaan in ay difaac adag u galaan ilaalinta dhiigiina,u
heesa bulsho u olalaynayso taageeridiina iyo sidi cadowga
dalkeena u qabsan lahaa.
Waxa
isa soo taraayo in dowlada Jabuuti u istaagtay meel isugu
keenida iyo heshiisiinta waxa loogu yeero labada garab ee DFKM
ee iyaga isku khilaafsan qaabka loo maaraynayo arrimaha
dalka waqtigan xaadirka ah.
Inta
aanan u guda gelin wax ka dhihida sida ay u muuqato dhamaadka
natiijada ka soo bixi karto kulmisiinta kooxahan, waxaan si
hordhac ah u soo koobaynaa danaha ay kala mathalaan labadan koox,
mabda'ooda, waa haddii uuba jiro mabda' ay aaminsan yihiin iyo
himilooyinkooda siyaasadeed oo ay doonayaan in ay dalkaan ku
maareeyaan
Dhibaatada
asaaskeeda waa laba shay ,midda hore waa in shirki lagu soo
doortay kooxahan aynan jirin mabda'a heshiis lagu wada yahay oo
dowladda ku shaqayso ka hor inta aanan loo gudbin doorashada
madaxda dowladda, amaba markaan dhinaca kale u dhigno, in
kooxihi maareeyay shirkaas aynan isku mashquulin dib u
heshiisiinta kooxaha Soomalida, iskuna mashquuliyeen u xaglinta
dhinac ka mid dhinacyada is haayo ,sidaasna ay madaxnimada dalka
ku hanato kooxdaaa ay iyaga taageerada u haayaan, iyaga oo aanan
dhinaca kalana ka fikirin kooxdiina dalka Soomaliya ma ka
hergelin kartaa danahiina iyagoon taa heshiis kula ahayn kooxa
kale ee dalka ka jiro ama guusha shirka laga maroorsaday , midda
labaadna waa in ay koox walbo oo ka qayb gashay shirkaas u
tageen gogosha, ayaga oo aaminsanaa in ay kooxaha kale ka xirfad
badan yahiin, sidaana ku hananayaan gacan ku dhigida halbowlaha
laga maamulo dalka Soomaliya, iyaga oo ay taa u dheertahay, ku
tashi la'aanta natiijada shirka in ay ku dhamaan karto caksiga
damacooda hoogan.
Waa
badan yahiin kooxaha Soomalida ,mar walbana heshiisyadooda waa
ku meel gaar, heshiisyadaasna ma'ahan kuwa u adeegayo
meelmarinta waddanka Soomaliya oo nabad ka islaaxdo,mana ahan
heshiisyadaas kuwa sii jirayo mudda dheer,waana wax ku kooban
dano gees ciriiri ah ku jiro. waqtigan xaadirkaa kooxahan waxay
u qaybsameen laba koox oo mid walbo kooxdiisa kooxdan ugu jirto
si ku meelgaar ah, sidaan kor ku soo sheegnayba.
Waxaan
ka bilaabaynaa kooxda ay horboodayaan madaxda mooryaanta
kantoonaadka u qaybisay magaalada Muqdisho, kooxdan waxay
saxaafada Muqdisho inteeda badan si
maqaar saar ah madax uga dhigeen hogaamiya aynan iyaga si
rasmiya madaxnimadiisa ugu dhawaaqin ,hogaamiyahooda waa
afhayeenka Barlamaanka oo shaqadiisa isu bedashay howlihi
wasiirka koowaad laga rabay in uu ka qabto waddanka gudhiisa
halki isaga laga rabay in uu ka shaqeeyo isu soo dhoweynta
xubnaha barlamaanka iyo ku dhiirigelinta ka hortago hadba wixi
wax u dhimayo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Afhayeenka
wuxuu ku dhegay in ay Muqdisho tahay caasumadi dalka, wallow
aynan jirin cid si rasmi ah u tiri waa la bedalayaa, afhayeenka
wuxuu ku dhegay in aanan dalka la keeni Karin ciidamad dalalka
safka hore.afhayeenka barlamaanka tan diidmada ciidamada
dowladaha safka hore waxaa la qabo Soomalida inteeda
badan,laakin waxay su'aal ka taagan tahay yaa la qabo umuuraha
kale oo uu ku dhegan yahay, sida in Muqdisho la geeyo dowlada
marka laga reebo isbaaralayda doonayso dowlada in ay ku shaqayso
caqliyadooda ama ay marsiinayaan kuwi iyada ka horeeyay halki ay
marsiiyeen.
Afhayeenka
barlamaanka, waa su'aale, maxaa geliyay in uu mathalo koox gaar
ah iyada oo uu arrinka ku ekaa kaliye khilaaf ra'yi barlamaanka
dhaxdiisa. Afhayeenka waxaa la geeyay Xamar, waa la weyneeyay,
waxaana la tusay in uu yahay nin maqaam ku leh madaxda
mooryaanta dhaxdeeda, laakin arrinka sidaa ma'ahan, waxayna
kooxdan muqdisho heleen nin danahooda mathalo iyagana ay gadaal
ka soo riixaan,dhabarkana berri u dhigto fashilki ku yimaado
DFKM ,hadda iyo runti waxaa lagu tegay jidaarka ,muqdishana waa
ay nabadayn waayeen
siday u balan qaadeen ,shariifkana weli wuxuu ku dhegan yahay
xamar waa nabad ,shariifka waxaan ka rabnaa xagee xamar nabada
uga soo arkay, isaga oo aan tegi doonin kolkuu muqdisho ku noqdo
hoteelada ay xamar kaga kulmaan kooxda kale ee dowladda isagana
fikirkiisa ka soo horjeedo.
Kooxda
Cabdullahi Yusuf waxay iyaga ka yimaadeen meel aanan marnaba
laga filayn ,waxayna xambaarsanaayeen ka hor shirka Nayroobi
fakir dhalanteed ah oo aanan adduunka maanta ka shaqaynaynin,
Soomali warkeeda iskaba daa,waxay xambaarsanaayeen fakir aynan
iska weydiin, sidee uga shaqaynayaa dalka Soomaliye iyo
adduunyada kale ,laakin ayaga jawaabta waa la sahlaneed ,waxay
isu sheegeen xabshi ayaa idiin dagaalayso ,ciidamada dibada ka
yimaado ayaa dalka idiin qabahaayo iyaga oo aanan is weydiin yaa
maal gelinaayo howlahaas.
Iyagoon
is weydiin fikirkaas xabashada gadaal idinka riixayso, yaa la
qabo ,yaa maal gelinayo ciidamada ay rabaan in ay magacooda u
dhintaan ,dalalka ay ciidamadaan ka soo jeedaan dadkooda ma
aqbalayaan in ay wiilashadooda ku dhinteen waxaan dan ugu jirin
dalka ay ka soo jeedaan ,qaramada midoobay fikirkaan aad
wadataan ma u arkaan idinka iyo xabashi saad u aragtaan ,cami
saam dhab ahaan gadaal ma ka taagan yahay xabashida siday ugu
andacoonayso kolkay iyaga hoos ugu shiriso gudaha
dalkeeda.su'aaladahan oo dhan iyaga oo aanan isweydiin ayey
arrinta waali isu bedahsay keddib marki ay xabshida ku
guulaystay Shirki Nayroobi in ay gacanta u geliso madxnimada
dalka Soomaliya kooxda ay dabada ka riixaysay.
Kooxahan
fikirkooda weli ma miirsan, jidaar adag ayaasa ka hor yimid .haddaba
waxaa isweydiin mudan ma laga yaabaa in cabdullahi Yusuf iyo
kooxdiisa ay gartaan in fikirkooda addunyada iyo soomaliba ku
gacan sayrtay iyo in aynan wax walbo u soconayn siday u
riyoodeen.
Masa
laga yaabaa asagana in
Shariifka oo ka wakiil ah koox aanan isaga fikirkiisa hoos imaan
balse uu adeege u yahay in uu
garto kooxda
ay mooryaanta madaxda u tahay in aynan doonayn xamar oo nabad
ah, balse ay doonayaan dowladaas oo kala daadato keddibna ay
isaga ku yiraahdaan baydhabo ka sugo yaanan kuu arkin, kaalinti
lagaa rabay si fiican ugama soo bixin, waxaadna sabab u noqotay
in ay burburto dowladdi aan u fadhinay dhisideeda laba sano.
Ma
filaayo in shirka jabuuti isugu keenayso kooxahan ay natiija
wacan ka soo baxayso, waayo weli laysma hor fadhiisin kooxaha
dhab isaga soo horjeedo oo iyaga kala ah koox waalideeda iyo
xabshi ha timaado banaanka la taalo iyo koox madaxweyne
Ismaaciil cumar horay ugu tilmaamay in ay doonayaan in ay afduub
ku haystaan shacabka Soomaliyeed, marnana aynan doonayn dowlad
dalkaas nabad ku soo daabasho,
Waa shibirayahow heesa tan iyo inta dadweynaha soomaaliyeed ka
tanaasulayo u heelanaanta taageerida rag aanan isku haysan
mabda'a ,diin,dhul,qabiil, waayo dhinac walbo walbo waxaa ku
jiro wiilal isku qabiil ah,isku dhul ah, iskuna diin ah siday
iayaga ku andacoonayaan ,mabda'ana ha sheegin warkiisa iyo fakir
cad oo lagu wada shaqeeyo ilayn dhinac walbo waxaa gadaal wax
uga soo sheego dad ajabi ka ah arrimaha Soomalida.
Heshiisiinta
Geele wado, Dhamaadkeeda waa Macruuf.
waa
anigaa iri iyo ha lagu socdo sidaan rabo.
Iyo
Meel ii banaan ma laho, aniga intaas ayey mooryaanta Xamar isoo
fartay, Cabdullahi haddii uu ku dhaqmi karo
by:
Abdallah Moallim Mahamud
email:
Moallem10@hotmail.com
|