Kooxo hubeysan oo rasaas la dhacay gaari marayay inta u dhaxeysa Bandiiradley iyo Gaalkacyo.

Home
Calayaale News
Januar 25, 2012  Calayaale warkii dalka
Gaari nooca xamuulka ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa lagu rasaaseeyay xilli uu marayay inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Bandiiradley, kaddib markii kooxo hubeysan ay jidka u galeen kuna fureen rasaas fara badan oo geysatay qasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii saarnaa gaarigaasi rasaasta lagu furay hal qof uu kaga geeriyooday, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo kooxaha rasaasta ku furay gaarigaasi ay halkaasi ka baxsadeen kaddib markii ay falkaasi geysteen.

Gaariga rasaasta lagu furay oo u socday magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa inuu gaaray magaaladaasi, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaal, hase yeeshee falkaasi oo ay aad uga naxeen dadka Boosaaso ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid ka baxsan bani'aadaminimada.

Dhinaca kale falalka noocaan ah ma aha markii ugu horeysay oo ay ka dhacaan gobolka Mudug, iyadoo dhacdadii ugu dambeysay kooxo hubeysan ku weerareen gaari rakaab ah, inkasta oo goobta falku ka dhacay uu ka taliyo maamulka Galmudug, hadana ma jirto tallaabooyin lagu soo qabtay kooxaha jidka u gelaya gaadiidka rakaabka ah.
 
                          

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________