Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay dhaqdhaqaaqa magaaladaasi ay ahayd mid isbedel laga dareemayo kaddib markii shalay halkaasi uu ka dhacay qarax is miidaamin oo loo adeegsaday gaari nooca Homeyda ah kana dhacay xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada B/Weyne.
Sida ay sheegayaan dadka degan magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen ammaanka magaalada B/Weyne wixii ka dambeeyay markii shalay qaraxa is miidaamin uu ka dhacay.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku amray gaadiidleyda ka howlgala magaalada B/Weyne inay is diiwaan geliyaan, iyadoona waliba gaadiidka lagu amray inay gaadiidka hal meel isugu keenaan xarunta garoonka K/Cagta magaalada B/Weyne.
Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ay uga hortegayaan in mar kale magaalada B/Weyne ay ka dhacaan falal la mid ah qaraxii shalay oo kale iyo dilalka abaabulan ee lala beegsanayo madaxda Dowladda KMG ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyadooda waxay ka bilaabeen xaafadaha magaalada B/Weyne, iyagoona gacanta ku soo dhigay rag horay uga tirsanaa ururka Al-Shabaab, hub, bambooyin iyo walxaha qaraxa oo horay ugu keydiyeen maamulkii ururka Al-Shabaab ee xooga loogala wareegay gacan ku heynta magaaladaasi.