Bam gacmeed xalay
lagu weeraray
masjidka Tusbaxle ee
degmada Dharkeenley .
Calayaale News
Waxaa saakay degan xaaladda masjidka Tusbale ee degmada Dharkeenley oo xalay lagu weeraray halkaasi oo ka dhacay qasaarooyin kala duwan oo soo gaaray jameeco markaasi ku tukaneysay masjidka.
Xilliga bamka lagu tuurayay masjidka oo lagu tukanayay salaadda cishaha ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen ilaa 12-ruux oo ka mid ah jameecadii masjidka ku tukaneysay, kuwaasi oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha ka dambeeya bac gacmeedka ayaa goobtaasi isaga baxsaday, mana jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay inay ka dambeysay bam gacmeedkaasi, inkasta oo markii uu qaraxu dhacay ay halkaasi soo gaareen ciidamada nabadgelyada degmada Dharkeenley.
Howlgallo baaritaan oo ay sameeyeen ciidamada Dowladda ayaa waxay ku guul darreysteen inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo masjid ku yaala magaalada Muqdisho xaafad ka mid ah lagu weeraro bam gacmeed isla markaana waxyeelo ka soo gaarto dadkii ku tukanayay, iyadoona aanay waliba jirin cid loo qasdayo amaba la bartilmaameedsanayo oo ka mid ah dadkii tukanayay.