Ciidamada Mareykanka
oo xoog uga soo
furtay burcad
badeeda sarkaal ka
tirsan Hay'adda DBG.
Calayaale News
Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay howlgal ay ka fuliyeen ciidamada Mareykanka kaasi oo ay ku soo furanayeen sarkaal ka tirsan Hay'adda DBG oo sanadkii hore lagu afduubtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Howlgalka oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa la sheegayaa inay ka qeyb qaateen ilaa laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helikobtarka ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuwaasi oo ka qeyb qaatay weerar lagu qaaday kooxaha burcad badeeda ah ee afduubka ku heystay shaqaale ka tirsan Hay'adda DBG.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka qaarkood ay dhulka u soo degeen, isla markaana dagaal la galeen kooxaha burcad badeeda ah kaddib markii mid ka mid ah diyaaradda Helikobtarka ah ay dishay lix ka mid ah burcad badeeda Somaalida.
Sida uu sheegayaan dadka degmada Hobyo diyaaradaha ayaa ku degay garoonka diyaaradaha magaalada Kaalkacyo ayaa markii dambe horay u watay sarkaalkii hay'adda DBG ee ay xooga uga furteen kooxaha burcad badeeda ah.
Waa markii ugu horeysay oo ciidamada Mareykanka ay xoog ku furtaan shaqaale ka tirsan hay'adaha gargaarka ee ka howlgala gudaha wadanka Soomaaliya, waxayna arrintaasi aad u yareyneysaa afduubka shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala gudaha wadanka Soomaaliya sida ay sheegayaan xeel dheerayaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya u dhuun daloola.