Madaxweynaha
Soomaliya Md Shiikh
Shariif oo manta ku
qaabilay xarunta
madaxtooyadda ee
Villa Soomaliya
Ergayga Midowga
Africa.
Calayaale News
Madaxweynaha Soomaliya Md Shiikh Shariif oo manta ku qaabilay xarunta madaxtooyadda ee Villa Soomaliya Ergayga Midowga Africa ugu Qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo wakiilka xoghayaha guud ee Arimaha soomaliya Mr Mahinga
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raiisul wasaaraha Xukuumadda somaliya Dr C/weli Maxamed Cali ayaa maanta si wadajir ah xarunta madaxtooyada ee villa soomaliya ugu qaabilay wakiilka ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan arimaha Soomaliya ahaana madaxweynihi hore ee dalka Gaana Mr Jerry rowling iyo ergayga gaarka ah ee Q/midoobay ee arimaha soomaliya Ambassador Ogastin Mahiiga.
Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Sh. Shariif Sh. Axmed waxa uuna uga mahadceliyay Ergayga ururka Midowga Africa uga wakilka ah soomaliya booqashadiisa iyo dadaalka ay ugu jiraan xal u raadinta arimaha dalka Soomaaliya.
Jerry Rowlinges ayaa ka hadlay booqashadiisa iyo kulanka uu la qaatay Madaxda Qaranka, isagoo dowladda uga mahadceliyay dadaalka dheeraadka ah ee ay muujisay iyo sidii ay Muqdisho uga xoreeyeenkooxdda al- shabaab wuxuunna hoosta ka xariiqay in amniga magaaladda Muqdisho la islku haleyn karo xiligaan.sidasina ay ku soo gaareen.
Kulankaan ay manta madaxda dalka la qaateen Mr Jerry John Rowlinges u qaabilsanaha arimaha dalka Soomaliya ee ururka Midowga Afrika ahaana Madaxweynihi hore ee dalka Gaana ayaa ku soo gaba gabobay jawi wanaagsan iyo is afgarad