Home                        Januar 22-01-212 Calayaale  News warkii dalka
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

____________________

 

Tartanka Daimler cup oo lagu qabtay Soomaaliya

 

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa si guul ah kusoo gabagabeeyay tartanka Daimler Cup oo ka dhacay xarunta cusub ee OlympAfrica ay ku ku yeelaneyso dalka Soomaaliya oo ku taala magaalada Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Waxaa ay ahayd markii ugu horeysay ee taariiqda inta la ogyahay tartanka Daimler Cup uu ka dhoco Soomaaliya sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ahna madaxa xiriirka caalamiga ah ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Mr. Duran Axmed Faarax oo saxaafada la hadlay.

 

Mr.Faarax waxaa uu sheegay in tartanka oo muddo todobaadyo ah soconayay uu isu keenay dhalinyaro ka kala socota 15 iskuul oo ku kala yaala gudaha iyo daafaha magaalada Garowe kuwaas oo ku tartamayay cayaaraha kubada cagta iyo kubada koleyga.

 

“Tartanka Daimler Cup waa mid sanadkiiba mar lagu qabto xarumaha OlympAfrica ee qaarada Africa oo dhan dalkeena Soomaaliyana hada xarunta dhismeheedu heer gabagabo ah ayuu marayaa waxaana la furi doonaan xaruntan muddo todobaadyo ah gudohood”ayuu maanta oo Sabti ah saxaafada u sheegay guddoomiye ku xigeenka ee xiriirka caalmiga ah Duran Axmed Faarax.

 

Waxaa uu Mr Duran Sheegay in inkastoo aanay heysan qalab iyo dhaqaale ku filan hadana guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo agaasimaha xarunta OlympAfrica ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdulqaadir ay sameeyeen dadaal dheeri ah kadibna ay hir geliyeen tartankan Daimler cup oo si wanaagsan kusoo dhamaaday.

 

“Waxaanu xaqiiqsanay in tartanka Damiler cup 2011 uu si wanaagsan noogu dhamaaday sanad kasta dabayaaqadiisana waanu qaban doonaa tartankan sida qorshaha Olombikada Soomaaliyeed ku jirta”ayuu yiri Duran oo sheegay in qabashada tartankani ay qeyb ka tahay qorshaha mudada fog ee lagu hormarinayo isboortiga dalka oo heerarka hoose lagasoo  bilaabayo.

 

Cayaarta kubada cagta oo ah mid aad loo xiiseeyo ayaa cayaartii kama dambeysta ahayd waxaa isaga hor yimid iskuulada kala ah Nawaawi VS Sheekh Xaamid waxaana 90-kii daqiiqdood ee cayaarta loogu talagalay ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac 1-1 ah.

 

Laakin sida sharciga kubada cagta ee LAW OF THE GAME uu qabo waxaa loo dhigay rigooreyaal waxaana koobkii nasiib u yeeshay wiilasha dugsiga Nawaawi oo dhigooda dusgiga Sheekh Xaamid kaga adkaaday 5-4 rigooreyaal ah.


 

Written by Administrator editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir 24saac .

 

Maxamuud XAsan Cumar

002521/5506210

Muqdisho somaliya  waayaha243@hotmail.com  aduunyo5@yahoo.com

Dreambook: Welcome to Calayaale Page
Sign my Dreambook!
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 

Read Akhriso

[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]
Dreambook: Aqayaarta calayaale

              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

___________________________________________________________ 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

____________________

  • Read Akhriso Sheekeysiga   Sign Ku qoro wixii Ra'yi ah  If you have a minute,                        please sign my Dreambook too!

    Copyright 2011  calayaale.com All rights reserved  Contact:  editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

    ______________________________________________________________________________________________________