M/weynaha Kenya haddii shabaabka  dagaalada Muqdisho looga guulaystay Tassi waxay  dhiira galinaysaa Ciidamadeena si ay iyagana ugu gulaystaan   koofurta Soomaaliya Dagaalka ay ka wadaan .

Home
Calayaale News
Januar 28, 2012  Calayaale warkii dalka
M/weynaha Kenya Kenya Mwai Kibaki oo ku sugan wadanka Uganda ayaa sheegay Mar haddii shabaabka looga guulaystay dagaalada Muqdisho ,Tassi ay magu dhiira galinayso in Ciidamadeena  ay iyagana ugu gulaysan karaan kooxda shabaab dagaalka ay kula jiraan  koofurta Soomaaliya .

M/weynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki oo ku sugan wadanka Uganda ayaa sheegay in dawladiisu ay soo dhaweynayso Guulaha ay ka gareen  ciidamada dawlada iyo ku midawga Africa ee AMISOM ka dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mwai Kibaki M/weynaha wadanka Kenya waxaa uu xusay in guulaha ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen magaalada Muqdisho ay ku diiri galinaysop sida uu yiri inay horey u sii socdaan ciidamada Kenya ee ku sugan qaybo ka mid ah koofurta Soomaaliya oo ay ku siqaan goobaha ay Shababku kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Geddo sida uu yiri
 
M/weynaha Kenya waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in ciidamada dawlada KmG iyo kuwa Midawga
 Africa ay Xarakadda aAl-Shabab ka saareen magaalada Muqdisho taasina uu ku
 aamanayo wadamada Uganda iyo Burundi oo uu sheegay inay dadaal dheeraad ah ku> bixiyeen xal u helida mushkilada Soomaaliya ka taagan
 
“Warka ah in ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM ay Muqdisho ka saareen dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab waxay keenaysaa dhiiri galin ay helaan ciidamadeena oo ah inay sii socdaan” ayuu yiri M/weynaha wadanka Kenya MwaiKibaki  waxaa uu xusay inuu mahad gaar ah u dirayo wadamada Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo uu tilmaamay inay dawlada KMG ku caawiyeen sugida amaanka magaalada Muqdisho sida uuhadalka u dhigay.
 
Nabad ka dhalata Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay M/weynuhu inay dan u tahay wadamada dariska ah oo uu sheegay inay muhiim tahay inay iska kaashadaan la dagaalanka amni xumida Soomaaliya ka jirta.

Dawlada Kenya ayaa ciidamadeeda Soomaaliya u soo dirtay bishii October ee sanadkii hore waxaana ay gobolada koofurta Soomaaliya kula dagaalanta dagaalyahanada Al-Shabab oo goboladaasi ka taliya.
 
                         

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________