Muqdisho, Axad, January
22, 2012-------Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumada
Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa
maanta booqday dugsiga
Maxamuud Mire kaasoo ay
wax ka bartaan ku
dhowaad 1,000 arday
kuwaasoo si lacag la’aan
ah wax ku barta.













Ra’iisul Wasaaraha ayaa
booqashadiisan waxaa ku
wehlinayay Wasiir
kuxigeenada Wasaaradda
Waxbarashada iyo
maamuleyaasha iskoolka
Maxamuud Mire, iyadoo
ra’iisul wasaaruhu uu
mid mid u gacan qaaday
ardaydii halkaasi ku
sugneyd wuxuuna sidoo
kale booqday qeybaha
xafiisyada iyo keydka
iskoolka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa
u mahadceliyay
shaqsiyaadkii gacanta ku
hayay isla markaana
badbaadiyay xilliyadii
burburka wuxuuna ka
sheegay goobta in maanta
ay tahay maalintii ugu
farxada badneyd maadaama
uu hortaagan yahay
boqolaal arday
Soomaaliyeed oo diyaar u
ah inay mustaqbalkooda
dhisaan waxbarasho lacag
la’aan ahna heysta.
“Dowladdu waxay ahmiyad
gaar ah siineysaa
waxbarashada oo ah aas
aaska bulshada, waxaadna
la socotaan in ummad
kasta ay horumarkeeda ku
xirantahay heerka
aqoonteeda” ayuu yiri R/wasaare
Dr. Gaas oo tilmaamay in
xukuumadiisu ay fursad u
siisay arday fara badan
in loo helo waxbarasho
dibadeed oo lacag la’aan
ah sida dalalka Turkiga,
Sudan, Yemen iyo dalal
kale oo haatan la filayo.
“Waxaan ku guuleysanay
inaan balanqaad ka helno
dowladdo kala duwan,
waxaana ka mid ah
balanqaadyadaasi
dhismaha wasaaradda
Waxbarashada iyo
Jaamacaddii Ummadda
Soomaaliyeed oo dowladda
Sucuudiga naga
balanqaaday” ayuu yiri
Mr. Gaas oo balanqaaday
in iskoolka Maxamuud
Mire ay u dayactiri
doonto xukuumadu qeyb ka
mid ah iskoolka.
Dhinaca kale, R/wasaaraha
ayaa kormeeray xarunta
Wasaarada Arrimaha
Dibadda oo la dayactiray
isla markaana ay
xafiisyo ka dhigteen
Wasaaraddo dhowr ah oo
ka soo guuray
Wasaaraddii Harkaha iyo
Saamaha wuxuuna
R.wasaaruhu ugu baaqay
Wasaaradduhu inay
dardargeliyaan hwolaha
bulshada ay u hayaan.
--
Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Written by
Administrator
editorial@calayaale.com
Webmaster@calayaale.com
kalasoo xiriir
24saac .
___________________________________________________________