Shirka IGAD oo laga
soo saaray qodobo ku
wajahan
Xildhibaanada
Baarlamaanka
Soomaaliya iyo inay
ciqaab adag la
kulmeyso cid kasta
oo kahor timaada
qorshaha Road Mapka.
Calayaale News
Shir madaxeedka dalalka urur goboleedka IGAD ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay iskula garteen in tallaabo laga qaado cid walba oo ka hortimaadda heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo weliba heshiiskii Garoowe lagu gaaray, hase yeeshee IGAD ma sheegin ciqaabta nooca ay tahay.
Madaxda wadamada IGAD ee ka qeyb galay shirka magaalada Addis Ababa ka dhacay waxaa ka mid ahaa madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo qaar kale oo fara badan.
Go'aanada IGAD ka soo baxay waxaa kale oo ka mid ahaa baaq ay u jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyagoona ugu baaqay inay khilaafkooda si degdeg ah u xaliyaan, isla markaana ka shaqeeyaan sidii dalkooda nabad ugu soo dabaali lahaayeen.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur Danjiruhu oo ka mid ahaa xubnihii shirka ka qeyb galay ayaa saxaafadda u sheegay in kale shirka looga hadlay sidii ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya, kuwa Kenya iyo AMISOM ay u wadashaqeyn lahaayeen isla markaana si isla mid ah ay dalka Soomaaliya uga saaraan kooxaha argagixisada Shabaab iyo Al-Qaacida.
"Shirka waxaa ka soo baxay sidii wadamada Afrika, gaar ahaan geeska iskaashi wadajir ah uga yeelan lahaayeen la dagaalanka kooxda Al-Shabaab" ayuu yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.
Go'aanada ka soo baxay shirka madaxda dalalka IGAD ayaa si weyn uga duwan shirarkii ay horay u yeelan jireen, kaasi oo ujeedadu tahay in lagu xoojiyo nabad ka dhacda wadanka Soomaaliya isla markaana looga hortegayo kooxaha iyo shaqsiyaadka doonaya inay dhaawac u geystaan.