Kooxdda Al- Shabaab
oo degaanka
ceel-Cirfiid ku
gowracday nin rayid
ah .
Calayaale News
Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa degaanka Ceel Cirfiid waxay ku gowraceen nin magaciisa lagu soo gaabiyay Shabagey, kaasi oo ka mid ah dadka degan halkaasi kaddib markii xilli habeen ah ay gurigiisa ugu dhaceen isla markaana subaxdii lagu arkay meydkiisa isagoo yaala wadada dhinaceeda.
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay ninka ay gowraceen maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa dilkiisa loo cuskanin wax maxkamad ah ama xukun ay maxkamadi soo go'aamisay, hase yeeshee dilka qoor gooyada ah oo ku dhacay qaab qarsoodi ah ayay dadka degaanka Cirfiid siyaabo kala duwan u fasireen.
Allaha u naxariistee Shabagey ayaa ka tirsanaa dadka degaanka Cirfiid, halkaasi oo uu ku lahaa xaas iyo caruur, waxayna sheegayaan dad degaankaasi in ninkaasi shaqadiisu ahayd gudniinka caruurta yaryar, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in maleeshiyada Shabaab ay ku eedeeyeen ninkaasi inuu ahaa basaas u adeega Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM, taasina ay keentay in qoorta laga jaro.
Dhinaca kale falka dilka ah ayaa la sheegayaa inuu saameyn ku yeeshay qoyska uu ka geeriyooday marxuumka, waxaana falkan arxan darrada ah si weyn uga xumaaday una cambaareeyay waxgaradka, culumaa'udiinka iyo qeybaha bulshada degaanka Cirfiid oo sheegay dhacdadaasi ay ka mid tahay dhibaatooyinka maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadaan degaanadaasi.