Home                        Januar 22-01-212 Calayaale  News warkii dalka
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

____________________

 

afhayeenka kooxdda al shabaab cali xamuud raage Cali Dheere: "Shahiidka walaalkeen Bilaal Al-Barjaawi dariiqii uu ku dhintay waa inaan raacnaa"
 

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Cali xamuud Raage (Cali Dheee) ayaa sheegay in hoggaamiye ka tirsan ururka Al-Qaacida oo ajnabi ahaa looga dilay duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu marayay degaanka 15Km diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn inay gantaal ku dhufatay.

Waxa uu sheegay afhayeenka Shabaab in ninkaasi lagu magacaabo Bilaal Al-Barjaawi, kaasi oo sida uu sheegay Cali Dheere dalka soo galay xilligii Maxkamadaha Islaamiga ah ay dalka maamulayeen, isagoo wadanka Lubnaan isla markaana watay baasaboorka dalka Ingiriiska.

"
Shahiidka walaalkeen Bilal Al-Barjaawi dariiqii uu ku dhintay waa inaan raacnaa" ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in dhimashada Al-Barjaawi ay sii kordhineyso dagaalada ay dalka wadaan.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay inay u aar gudi doonaan hoggaamiyaha lagu dilay sida uu sheegay duqeynta diyaaradeed, isagoona tacsi u diray eheladiisa iyo dhammaanba dagaalyahanada kale ee ururka Al-Qaacida oo adduunka ku nool, gaar ahaan ururka Al-Shabaabka Soomaaiya oo uu sheegay afhayeenka inay si gaar ah uga tacsiyadeynayaan geeridiisa eheladiisa.

"
Dhacaamka walaalkeen waa inay Muslimiintu u noqoto jiscin ay u qaataan dagaalada ay kula jiraan gaalada dalka ku soo duushay" ayuu yiri Cali Dheere oo sheegay in hoggaamiyahaasi dagaallo fara badan ka qeyb qaatay, wuxuuna caddeeyay in iyagu dilkiisa ay ku eedeeyeen Dowladda Mareykanka oo uu sheegay in horay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ugu dili jiray gudaha wadanka Soomaaliya ajaanibta ka barbar dagaalanta Al-Shabaab.




Written by Administrator editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir 24saac .

 

Maxamuud XAsan Cumar

002521/5506210

Muqdisho somaliya  waayaha243@hotmail.com  aduunyo5@yahoo.com

Dreambook: Welcome to Calayaale Page
Sign my Dreambook!
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 

Read Akhriso

[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]
Dreambook: Aqayaarta calayaale

              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

___________________________________________________________ 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

____________________

  • Read Akhriso Sheekeysiga   Sign Ku qoro wixii Ra'yi ah  If you have a minute,                        please sign my Dreambook too!

    Copyright 2011  calayaale.com All rights reserved  Contact:  editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

    ______________________________________________________________________________________________________