The 3rd Generations for Peace program held in Somalia .

Calayaale News Home
Januar 23, 2012  Calayaale warkii dalka

Siyaarada caalimki weynaa Islaamka ee Soomaaliya  Sheekh C/raxman Suufi (Al Maqdishi Qudbu Banaadir) oo sanadiba Mar lagu qabto daafaha caalamka ayaa waxa ixtifaal aad uweyn maalinimadi shalay loogu  sameeyay halka uu sheekha kaga  aasan yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamarweyne.


,Xuska Sheekh C/raxman Suufi oo sanadkaani ahaa mid aad uga balaaran xusaski hore ayaa waxa kasoo qeybgalay, dhamaan culimada waaweyn ee Ahlusunnah Waljamaac ee Daruuqa Suufiya hadii ay ahaan leheed Mudarasiinta wax ka dhigtay  Masjidyada, Mowlacyada, Jaamacadaha, Machadyada iyo talaamiidooda.

Dhanka dowlada waxa siyaaradani aheed siyaaradi ugu balaarneeed oo madax intaa la eg ay kasoo qeybgasho tan iyo bur burki dowladi dhexe ee Soomaaliya, waxana banaanbaxa siyaarada oo aheyd qatinka siyaarada kasoo qeygalay,  tiro wasiiro ah oo uu horkacayay Wasiir ku abtirsada Sheekheena Sheekh c/raxman Suufi oo lagu magacaabo

1.    Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo gureynta
Mudane Jeynaani Sheekh Nuuraani Sheekh Iikeer  Sheekh C/raxman Suufi

2.    Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga qaranka
Mudane Cabdisamad Macalin Maxamud Sheekh Xasan Faarax

3.    Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada
C/qaadir Sheekh cali Ibraahim

4.    Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya
Jeneral Shariif Sheekhuna Maye

5.    Gudoomiyaha gobolka Banaadir
Maxamud Axmed Nuur (Tarsan)
Xildhibaano iyo madax kale oo dhamaan kawada tirsan qeybaha kala gedisan ee Dowlada Soomaaliya.

Allaah Unaxariistee Xuska siyaarada  Sheekh C/raxman Suufi  oo ka mid ah Owliyada Ilahey kuwoodi ugo'doomay uqidmeenta diinteena Sharafta badan ee Islaamka isagoo noloshiisa ku dhameestay fidinta Diinta Islaamka, ayaa xuskiisa waxa soo wada xaadiray iyadoo kala sooc laheen culimo iyo Caamo kuwaasi oo mid waliba muujiyay dareenkiisa ku aadan maalintaan qiimaha badan.

Sida caadada u ah siyaarooyinka Daruuqu Suufiyah ayaa waxa mudadi sadex maalin ay socotay siyaarada Sheekh C/raxman Suufi waxa laqabtay qadmooyinka Qur’aan Aqriska uu sabax waliba kaoscotay qabriga Sheekha iyadoo maalinti shalay aheydna la isugu yimid banaanbaxyo waa weyn oo lagu soo bandhigay xilqooyin dikri ah sida, Uweysiyah, Seyliciyah, Axmadiyah, Rufaaciya oo dhamaan kuwada abtirsato saadaatu Daruuqu Suufiyah.

Intaa kadib ayaa waxa marki lasoo gaba gabeeyay banaanbaxyadi waa bilowday qudbadihi culimada iyo madaxdi kasoo qeygashay siyaarada ay ujeedinayeen dadweynihi isugu yimid halkaasi oo iyaga lagu qayaasay tiradooda kumanaan.

Wasiirka Wasaarada howlaha guud iyo guryeynta oo marti loo ahaa bacdama owlaada Shiikheega Sheekh c/raxman suufi yahaya yaa waxa uu ugu horeyn soo gudbiyay salaan uu kasiday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha baarlamaanak Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiwili Maxamed Cali, isagoo sidoo dhamaan umadi kasoo qeybgashay isyaarada alle uga baryay danbi dhaaf iyo ajir inuu kasiiyo soo xaadirida maxalkaan qeyrka leh.

Waxa Sidoo kale  goobta kahadlay wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane Cabdisamad Macalin Maxamud oo ku dheeraaday kasheekeenta xuska Sheekh c/raxman Suufi iyo muhiimada oo uleedahay umada Soomaliyeed

Mudane Cabdisamad ayaa sidoo kale xusay in Sheekh c/raxman Suufi fidinta diinta islaamka uusan u adeegsan qasab balse dadka qalbiyadooda Alle Raxmad ugaliyay sidaana tahay wadada saxda ah ee xaqa lagu faafiyo diintuna tahay mid nasiixa ah .

Dhanka kale waxa isna goobta ka hadlay wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada  Mudane C/qaadir Sheekh cali Ibraahim oo si aad ah ugu nuux nuuxsaday ahmiyada ay leedahay xuska Sheekh C/raxman Sufi isagoo tusaale usoo qaatay aayado qur’aanka kariimka ah iyo axaadiista Rasuulkeeni Muxamed (CSW).

“Walaalayaal xaq iyo baaqil ma’ahan kuwa meel isla geli kara, bal ufiirso dadkaan intaan la eg yaa meel isugu keeni kara , xataa hadii aan dhaho lacag ayaa idin siinaa ma isku keeni kari, laakin waxa nakulmiyay waa wanaaga iyo qeyrka Sheekh c/raxman Suufi agtiisa laga helayo, walaalayaal cidna nama wicin dhamaantayadana maxabadadiisa ayaa ilahey qalbigeena ku beeray ee walaalayaal diinta saxda ah waa taa ee hala raaco”, ayuu yiri wasiirki kuxigeenki wasaaraha waxbarashada mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim.

Sidoo kale waxa isna halkaa hadal  kajeediyay gudoomiyaha gobolka banaadir Mudane Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo isna soo hadal qaaday sida naxariista kudheehan tahay oo ay culimada suufiyada diinta ufaafin jireen.

“Dadkaan intaa la'eg laguma keenin seef qoorta laga soo saaray ee naxariis iyo wanaaga dhabta ah ee diinta oo laga run sheegay ayeey ku yimideen” ayuu yiri mudane tarsan isagoo hadalka sii wataana waxa uu yiri: “aniga iyo idinkaba waxa hubaa midkeena inuusan arkin Sheekh C/raxman Suufi balse waxa meeshaan nagu kulmiyay ayaa ah inuusan sheekha fidinta diinta u adeegsan qasab iyo jujuub”, ayuu yiri gudoomiye tarsan oo dhanka kalena mahad celin usoo jeediyay shacabki halkaa soo xaadiray oo kutilmaamay kuwi horseeday nabada maanta muqdisho ka muuqato oo kow katahay xuskaan sida nabada ah kudhacay.

Dhanka kale waxa iyana hadal kooban halka kajeediyay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye, xildhibaano Wasiiro, Culuma’udiin iyo marti sharaf kale oo dhamaan kunuux nuuxsaday sida ay muhiim utahay in la weyneeyo xusaska Culuma’udiinka Soomaaliyeed iyo doorki ay kasoo qaateen fidinta diinta islaamka iyadoona dhiig lagu daadin , isla markaana la baneesan dhiiga walaalaha kale ee Muslimiinta.

Gunaanadki Siyaarada ayaa waxa duco kusoo gaba gabeeyay sheekha wilaayada reer Sheekh Suufi Haya Sheekh Abashaan Sheekh C/raxman Sheekh Max'ed Sheekh Osman Sheekh Suufi, oo halkaa ugu duceeyay dhamaan saa’iriinti kasoo qeygashay siyaarada iyo kuwa qalbiga kuhayay Sheekha isagoo ugu duceeyay Aduunyo iyo Aakhiro taam ah/

W/D: C/raxman Sheekh C/llaahi
E-mail:
farxad95@hotmail.com
Skype farxad114
Tell: +252-(0)-615534114
Mogadisho-Somaliya

Written by Administrator editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir 24saac .

Maxamuud XAsan Cumar

002521/5506210

Muqdisho somaliya  waayaha243@hotmail.com  aduunyo5@yahoo.com

Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

Read Akhriso

[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]

              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

___________________________________________________________________________________

_______________________________