Tageerayaasha AL Shabaab  ayaa ku kala booday  dilkii Bilal el-Berjawi,kadib markii Qaar ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab  ay sheegeen in dilka Bilaal ay ka dambeeyaan rag kale oo ka tirsan Al Shabaab oo shir qoolka ka sheqeyey .


Calayaale News Home
Januar 23, 2012  Calayaale warkii dalka

Tageerayaasha AL Shabaab ayaa ku kala booday dilkii Bilal el-Berjawi,kadib markii Qaar ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ay sheegeen in dilka Bilaal ay ka dambeeyaan rag kale oo ka tirsan Al Shabaab oo shir qoolka ka sheqeyey .

Bilal el-Berjawi oo dhalasho ahaan kaso jeeda dalka Lebanon , Ayaa dhanka shabaab ugu soo biiray wadanka Britain kadib markii uu dalkaasi ka wayey Waraqaha Aqoonsiga loona diiday mudano  ku dhex dhumanayey isagoo   waraaqo laabe ah , kadibna uu u soo dagaal doontay Dalka somaaliya oo ay dhimbilaha dagaalka ka bacleynayaan , dilkiisa ayaa markii ugu horeysey uu  jahawareer iyo cabsi uu ku abuuray  Tagerayaasha kooxda shabaab kuwasoo markii ugu horesey ka shekeyey Qabkii loo dilay  .

Labada garab ee kooxda Shababka ayaa waxa  soo kala dhexgalay kala shaki kadib markii  duleedka Magaalada Muqdisho  KM 13 lagu qarajiyey  Bilal el-Berjawi   , Garabka tageera qayb kamida  shabaabka  ayaa bilaabay in ay warbixino ka diyaariyaan qaabkii loo dilay kuwsoo soo bandhigay gantaal ay ku sheegeen in lagu dhuftay kuwasoo aan soo bandhigin garigii uu la socday , sidoo kale   fasiraad ka bixiyey  sababta loo ogaaday Goobta uu ku suganyahay kuna Fasiray in Dalka loo gaystay uu sabab u ahaa  Cunug waxyar  ka hor inta aan la dilin ugu  dhashay Cisbitaal ku yaala Magaalada London iyadoo xilligaasina uu taleefankiisa uu kula hadlayay xaaskiisa lagu ogaaday goobta uu ku sugan yahay sidaana lagu ogaaday,gantaalkana loola hellay ayey ku doodeen Tagarayaasha koox ka mid ah .

Hogaannka Al Shabaab ayaa la sheegay in uu soo kala dhexgalay is qab qabsi balaaran oo ku aadan dilkii loo gaystay Bilaal Al-Barjaawe, waxaana la sheegay in dilka hogaamiyeyahaasi ay ka dambeeyaan Saraakiil sar sare oo ka tirsan Kooxda Al Shabaab oo la sheegay inay maleegeen shirqoolka dilkaasi.

Horjoogayaasha Shabaabka ayaa Madaxa isla gala markii Horjooge Ajnabi ah laga dillo iskuna edeya dhexdooda in ay is jajusaan  lamana oga halka uu ku dambeyn doono khilaafkaan xoogan oo ee haatan  soo kala dhexgalay Hogaanka Al Shabaab, hase ahaatee arintaani ayaa waxa ay ka dambeysay markii qaar ka mid ah ajaaniibta kale ee u dagaalanta Al Shabaab ay sheegeen in dilka Bilaal Al-barjaawi ay ka dambeeyaan Saraakiil ka mid ah Al Shabaab oo fududeeyay dilka hogaamiyahaasi.
 

Written by Administrator editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir 24saac


Maxamuud XAsan Cumar

002521/5506210

Muqdisho somaliya  waayaha243@hotmail.com  aduunyo5@yahoo.com


Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 


Read Akhriso

[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]

              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com

 

___________________________________________________________________________________