Madaxweyne Shariif
iyo wafdi uu
hogaminayay oo u
ambabaxay magaalada
Addis Ababa ee
wadanka Itoobiya .
Calayaale News
Madaxweynaha Dowladad KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,isagoo ku sii jeedda magaaladda adis ababa ee dalka itobiya si uu ugu qaybgalo laba kulan oo ay halkaasi ku yeelan doonan madaxweynayaasha wadamada afrika iyo urur goboleydka Igad ,waxaana wafdiga Madaxweynaha ku sii sagootiyay xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda KMG ah.
wafdiga madaxweynaha oo uu ka mid aha wasiirkuxegeenka Wasaradda gashaandhigga ee xukuumadda soomaliya iyo xubno kale,waxaana gareoonka diyaradaha ku sii sagootiyay xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamuud Ow Geedi Hilowle iyo xubno kale .
wafdiga Madaxweynaha ayaa magaaladda adisababa ee dalkaasi itobiya kaga qeeyb galaaya laba kulan oo ay halkaasi ku yeelan doonan madaxweynayaasha wadamada afrika iyo urur goboleydka Igad, kaas oo malainta berito ah si rasmi ah uga furmidoono.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ay leeyihiin dalalka IGAD, kaasi oo si gaar ah looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, taageerada Dowladda KMG ah, la dagaalanka Shabaab iyo burcad badeeda iyo sidii wadanka Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabadda, xasiloonida iyo ajandeyaal kale.