Golaha sare
Culumaa'udiinka
Ahlusuna oo soo
dhoweeyay howl
galkii Ciidamada
Mareykanka ku soo
furteen shaqaalihii
gar gaarka . .
Calayaale News
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa soo dhoweeyay howl galkii saddex cisho ka hor ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ku soo furteen shaqaalihii gar gaarka ee u shaqeynayay Hey'adda miino baarista ee DDG.
Bayaan ka soo baxay Culimada ayaa lagu sheegay in Afduubka yahay mid aan shareecada islaamka qaban, isla markaana xaaraan ah, iyagoo ku eedeeyay burcad badeedka Soomaalida inay qeyb ka yihiin dhibaatada ka jirta dalka.
Shaqaalaha u dhashay dalalka Denmark iyo Mareykanka ayaa ahaa nin iyo naag ka howl galayay magaalada Galkacyo oo dadka ay barayeen qatarta ay leeyihiin miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa, waxaana la afduubtay 25-kii bishii October ee sanadkii hore.
Culimada ayaa ku tilmaamay howl galkii Burcad badeedka sida xooga ah Ciidamada Mareykanka uga soo furteen tallaabo loo baahnaa, si lagu bad baadiyo shaqaalaha gar gaarka ka tirsanaa hey'adda DDG xoriyadooda dib loogu soo celiyo.
Sidoo kale Culumaa'udiinka ayaa tilmaamay in burcad badeedka ay horay qeybaha bulshada ay baaq ugu jeediyeen inay sii daayaan shaqaalahaas, balse ay ka dhega-fureysteen, waxaana ay u jeediyeen in shaqaalaha kale ee sama falka iyo kuwa maraakiibta ay afduubta u heystaan sii daayaan.
Dhinaca kale Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay howl galkii diyaaradaha Drone ee aan duuliyaha laheyn ku dileen Hogaamiye ka tirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabayay Bilaa Al-Barjaawe.
Waxay Culimada sheegeen in ninkaas ka mid ahaa ajaaniibta dalka ku soo duushay ee dhibaatada shacabka ku hayay, waxaana ay xuseen inuu ahaa dhib umada Soomaaliyed ka baxay.
Bayaan Culimada ayaa shacabka Soomaaliyed loogu baaqay inay midnimadooda muujiyaan, kana dheeraadaan waxyaabaha fidnada ka dhalan kara.