Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Md. C/Weli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoona ku sii jeeda magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga.
Ra'iisal Wasaare C/Weli Gaas ayaa warbaahinta u sheegay in Dowladda Talyaaniga uu ka helay casuumaad ku aadan inuu ku tago dalkaasi, isagoona sheegay inay ka wadahadlayaan arrimaha labada wadan oo uu sheegay inuu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Dowladda Talyaaniga ay kala hadleyso Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya arrimaha shirka bisha soo socota ka furmaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska, kaasi oo looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan burcad badeeda khatarta ku heysa isu socodka maraakiibta caalamka ee xeebaha Indian Ocean.