Xildhibaan Ghedi oo maanta koormeeray goobihii Shabaabka laga saaray ee magaalada Muqdisho .

Home
Calayaale News
Januar 27, 2012  Calayaale warkii dalka
Xildhibaan Maxamuud Geedi Ow Hilowle oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka yimid wadanka Mareykanka magaalada Minnesotta ee wadanka Mareykanka isagoo soo maray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Xildhibaanka oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ku soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG ah, isagoona ka qeyb qaatay sii sagootinta Madaxweyne Shariif oo isna markaasi ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Air Port ee magaalada Muqdisho.


Ruug cadaaga siyaasadda Soomaaliya Xildh. Maxamuud Geedi Ow Hilowle ayaa markii uu ka soo baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, ayaa isagoo aan nasan wuxuu bilaabay inuu kormeer ku tago goobihii laga xoreeyay ururka Al-Shabaab, isagoona socod dheer ku soo maray wadada wadnaha ee isku xirta Fiat ilaa Hotel Ramadaan.

Waxa uu soo maray Xildhibaan Ghedi wadada dheer ee hor marta FIAT, Beexaani, Markalyoni, Sanca, Hotel Panorama, wadada SIISII, Hotel Lafweyn, Isgoyska Fagax, Hotel Kaah, Saldhigga Yaaqshiid, Hotel Ramadaan, isagoo si aad ah uga xumaaday burburka baaxadda leh ee maleeshiyaadka Al-Shabaab u geysteen dhismooyinka Dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Xildhibaan Maxamuud Geedi Ow Hilowle ayaa sheegay in marka la eego baaxadda burburka lixaadka leh ee ay dalka iyo dadka u geysteen kooxda Al-Shabaab ay ka tarjumeyso inaysan wax dan ah ka laheyn inay mar uun dalkaan ka taliyaan, iyagoo sida uu sheegay ay ku adeeganayaan rag ajaaniib ah oo dalalkoodii laga soo masaafuriyay.

"Dhallinyarada Soomaalida ah ee Shabaab ka tirsan oo fikradaha qaldan dalkoodu loogu burburinayo waa inay isaga soo baxaan, iyagoo ka faa'iideysanaya fursadaha ay siisay Dowladda KMG ah" ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Geedi Ow Hilowle oo sheegay inuu aad u soo dhoweynayo guulaha ay soo hooyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay jilibka u dhigeen cadow dalka iyo dadka ku soo duulay.

Xildhibaan Maxamuud Geedi Ow Hilowle oo isagu ka mid mudanayaasha fara ku tiriska ah ee wadaniniyiinta ah una diir naxa dalkooda iyo dadkooda ayaa meelaha uu soo kormeeray maanta waxaa ka mid ah Saldhigga Degmada Yaaqshiid, isagoo halkaasi kula kulmay Taliyaha Saldhigga Degmada Yaaqshiid Maxamed Maxamuud Yalaxow, waxayna ka wadahadleen xaaladda degmada gaar ahaan dhinacyada amniga iyo doorka ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin sidii degmadaasi loogu soo celin lahaa xasiloonida, wuxuuna Xildhibaan Ghedi kula dardaarmay Taliyaha inay cadaaladda ilaaliyaan kana foojignaadaan cadowga.
 

                          

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________