Xukuumadda dalka Mareykanka oo Kenya uga digay inay dib u celiso qaxootiga Soomaalida.

Home
Calayaale News
Januar 27, 2012  Calayaale warkii dalka
Kaaliyaha Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeeray madax ka tirsan Dowladda Kenya oo ku saabsan in hay'adaha samafalka ay kala tashanayaan sidii dib dalkooda loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan.

"Hadafka beesha caalamka wuxuu yahay in la helo qorshe dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida dalkooda" ayuu yiri Mr. David Robinson oo sheegay in dowladda Kenya xilligaan aanay ku degdegin dib u celinta dadka Soomaaliyeed ee dalkooda ka soo cararay dhibaatooyin ka jira awgood.

Waxaa kale oo uu sheegay Kaaliyaha xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka in xeryaha qaxootiga Soomaalida ee wadanka Kenya aanay hagaagsaneyn nabadgelyada ka jirta, isagoona ugu baaqay Dowladda Kenya inay wax ka qabato dhibaatada nabadgelyo darri ee ka jirta xeryaha qaxootiga Sooamalida.

Dhinaca kale hadalka Mr. Robinson ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Dowladda Kenya ay shaacisay inay dalkeeda ka saareyso dhammaanba qaxootiga Soomaalida ee ka soo tallaabay xadka labada dal, iyadoona ku andacootay inay qeyb ka yihiin xasiloonida darrida iyo kooxaha argagixisada ah oo ku soo dhuumanaya qaxootiga faraha badan ee dalkeeda ku qulqulaya.

Waxaa kale oo uu sheegay in qaxootiga Soomaalida aanay xilligaan suuragal ahayn in dalkooda dib loogu celiyo, bacdamaa ay ka jiraan dagaallo iyo abaaro saameeyay dadka duunyada, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in xaaladda nabadgelyo aan la isku halleyn karin.

 
                          

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________