Xasan Daahir aabihii oo xalay ku geeriyooday degaanka Ceelasha biyaha maantana la aasayo .

Home
Calayaale News
Januar 26, 2012  Calayaale warkii dalka
Shekh Xasan Daahir Aweys aabihii Macallim Daahir Aweys ayaa xalay ku geeriyooday degaanka Ceelasha Biyaha oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanaa, waxaana geeridiisa ka hadlay wiilkiisa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in aabihii uu xalay Alle oofsaday.

Waxa uu sheegay Sheekh Daahir Aweys in maanta lagu aasayo degaanka ceelasha biyaha, wuxuuna intaasi ku daray in aabihii macallim Daahir Aweys uu xanuunsanaa maalmihii u dambeeyay noloshiisa.

"Macallimka 90-jir ayuu ahaa wuxuu ku caan baxay barida qur'aanka kariimka ah caruurta, aniga ayaana ka mid ahaa caruurtii uu qur'aanka baray" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inuu aabihii ka soo diin qaaday.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys in aabihii uu ahaa macallim u go'ay fidinta diinta Islaamka iyo inuu dugsiyo badan ka hirgeliyay dalka kuwaasi oo arday badan ay ku barteen qur'aanka kariimka ah.

"Aabahey wuxuu hadda kahor ii sheegay inuu ku riyooday kaddibna dadkii oo dhan markii ay u doodeen laga soo saaray" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo hadalkiisa ula jeeday sarbeeb geerida aabihii ku timid uu ka bixiyay.

Dhinaca kale saakay salaada subax kaddib ayaa janaaso lagula tukanayaa masjidka dabaqeynka ee ku yaala degaanka Ceelasha Biyaha, halkaasi oo kaddibna lagu aasi doono qabuuro ku yaala degaanka Ceelasha Biyaha.

 
                          

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________