Dab habiinkii xalay ahaa ka kacay suuqa Xamar Weyne
oo baabi-iyay gobo ganacsi oo ka badan kun goobood.

Home
Calayaale News
Januar 26, 2012  Calayaale warkii dalka
Dab xoog leh ayaa habiinkii xalay ahaa ka kacay Suuqa Xamar Weyne oo ka mid ah kuwa ugu caansan xiligaan magaalada mugdisho oo ah caasimada dalka..
 


Dabkaan oo bilowday maqirbkii ayaa xoogiisa ka dhacay suuqa qudaarta oo hada ah goobto horay loo oran jiray Barxada Yaasiin.

Sida uu sheegay gudoomiyaha degmadda x/weeyn ee magaaladda muqdisho Md Gardhuub isagoo sheegay in dabkaan uu socday mudo laba saacadood oo xiriir ah, waxaana lagu guuleystay in laga gaaro oo uusan ku sii faafin dhismooyinka kale ee waaweyn ee baqaarada ah ee ku yaala suuqaasi xamarweyene..

Daminta dabka ayaa waxaa ka qeybgalay gaadiidka dab damiska ee ciidamadda nabadilalainta AMISOM, saraakiisha ciidamadda booliska g/banaadir iyo kuwa maamulla gobolka Banaadir, waxaana hada meelaha qaar laga dareemayaa qaac ka socdo, ma jiro wax holac ah.

Waxaanan wali la ogeyn qasaaraha hantiyeed iyo nafeed ee uu geystay dabka, iyadoo amaanka ay sugayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Lama oga sababta dhalisay iyo cida ka danbeyso dabka, hase yeeshee suuqa Xamar weyne ayaa hada ah suuq ka mid ah kuwa ugu waaweyn magaalada Muqdisho, waxaana uu si aad ah u camirmay markii uu xirmay suuqa weeyn ee Bakaaraha sanadki hore.


ma ahan markii ugu horeysay ee suuq ceeynkaan oo kale ah uu dab qabsaddo waxaana horay u dhacday suuqyadda kale ee ku yalla magaaladda muqdisho,sida bacadlaha xamarweyne , suuqa bakaaraha, siinay iyo suuq bacaad kuwaasi oo sidaan oo kale u baabiyay hanti badan oo ay lahaayeen dad ganacsata ah.

Guddoomiye Gardhuub oo ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay suuqa X/Weyne

Guddoomiyaha Xamar Weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay suuqa degmada Xamar Weyne, wuxuuna sheegay in dabka uu ahaa mid geystay qasaaro baaxad leh.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne in dad ku dhow kun qofood oo ku ganacsanayay goobta uu dabku ka kacay ay hantidooda ku bas beeshay dabka xalay ka kacay halkaas.

"Ilaa iyo hadda inta aan diiwaan gelinay dadka qasaaraha ka soo gaaray dabka waxay gaarayaan kun ruux oo ka mid ah ganacsatada waratada ah" ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne oo sheegay dhinaca kale in weli ay diiwaan gelinayaan dadka hantidooda ku baaba'day dabkaasi.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Guddoomiye Gardhuub in baaxadda qasaaraha dabka ka dhashay ay sabab u tahay iyadoo gurmadkii loo baahnaa aanu dhaqsi gaarin goobaha uu dabku ka kacay.

Meelaha uu dabku sida weyn u saameeyay waxaa ka mid ahaa: suuqa qudaarta, bacadlaha iyo dukaamo kale oo lagu iibiyo raashinka, kuwaasi oo gebi ahaanba meel eber ah ka dhigay dabka ka kacay suuqa Degmada Xamar Weyne, inkasta oo markii dambe ay u soo gurmadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay inay bakhtiiyaan dabka oo isagu si aad ah ugu faafaya goobo kale oo ganacsi.


 

                          

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________