40-qof tahriibayaal
Soomaaliyeed oo lagu
la'yahay xeebaha u
dhaxeeya Liibiya iyo
jasiirada Malta .
Calayaale News
Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in xeebaha wadankaasi lagu la'yahay in ka badan 40-ruux oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo bishii hore ka ambabaxay magaalada Misisrata iyagoo doontii ay wateen ay kula qalibantay xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo jasiirada Malta ee wadanka Talyaaniga.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Liibiya ayaa sheegay inay heleen meydadka 15-ruux oo u badan dumar iyo caruur, kuwaasi oo ay ku aaseen magaalada Misisrata ee wadanka Liibiya, kaddib markii ay soo caarisay xeebaha ku aadan magaaladaasi.
Safiirka ayaa sheegay inay ka war heleen ilaa 40-ruux oo tahriibayaal Soomaali ah in lagu la'yahay xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo jasiirada Malta ee wadanka Talyaaniga.
"Dowladda Liibiya waxaan ka codsaneynaa inay naga gacan siiso sidii loo heli lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku maqan xeebaha wadanka Liibiya" ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Maxamed Axmed Waasuge oo intaasi raaciyay in maalmaha soo socda ay baadi goob u gelayaan sidii loo heli lahaa tahriibayaashaasi Soomaaliyeed.