Shir uu shir gudoominaayay Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay dadka sida sharci darradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi uu daba socday kulan hore oo ay yeesheen madax ka tirsan Dowladda KMG ah.
Waxaa shirkaasi la isku soo qaaday sidii looga bixin lahaa dadka degan xarumaha dowladda ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo dowladda Turkiga ay balan qaaday dhismaha iyo dayactirka 94 iskuul .
Go’aanada shirkaasi ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa qodabadaan hoos ku qoran:
1. In ogeysiis kama danbeyn ah la siiyo dadka deggen xarumaha dowladda, taasoo ka billaabanaya maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 25, 2012, kuna eg 5-ta bisha Febraayo 2012.
2. In cid kasta oo ku banneysa waqtiga loo qabtay loo fidiyo cafis, taasoo macnaheedu yahay inaan loo raacan wax dambi ah oo ku saabsan muddadi uu sharci-darrada ku deggenaa xarunta.
3. In cid kasta oo ka dhega adeygta go’aankaas, iskuna dayda inay sii heysato xarun dowladdeed markii la gaaro waqtiga loo qabtay xoog looga saaro, lana hor keeno sharciga si looga qaado xaquuqdi kirada ee muddadii ay sharci-darrada ku deggeneyd.
Waxaa goobjoog ka ahaakulankasi madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif, Ra’iisul wasaaraha Soomaaiya C/weli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan , qaar ka mid ah Golaha wasiirada, taliyeyaasha ciidammada dowladda Soomaaliya iyo Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir,