Madaxda Sare ee ururka  Al-Shabaab ayaa xabsiga dhigay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir iyo horjoogayaal kale Waxaa sidoo kale maanta u soo goostay  Dhanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Ciidamo 100 ka badan oo katirsanaa Al shabaab.

Home
Calayaale News
Januar 29, 2012  Calayaale warkii dalka
Madaxda Sare ee ururka Al-Shabaab ayaa xabsiga dhigay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir iyo horjoogayaal kale Waxaa sidoo kale maanta u soo goostay Dhanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Ciidamo 100 ka badan oo katirsanaa Al shabaab.

Habeenkii Xalay wararka  naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab inay isku gadaameen beerta Cali Mahdi Maxamed oo ay ku sugnaayeen madax sare oo ka tirsan isla xarakada Al-Shabaab, halkaasi oo kulan gaar ah
uga socday mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo hogamiyayaasha Tageersan  Shabaabka.
 
Ciidamada ururka Al-Shabaab ee Tabacsan Garabka Ina Godane oo weerarka ku soo qaaday beerta uu shirka ka socday ayaa isla markiiba hubka ka dhigay ciidamo kale oo ilaalinayay madaxda halkaasi shirka uga socday kaddibna kaxeystay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo in xubnood oo isugu jira saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan garabka Xasan
Daahir iyo Abuu Mansuur.
 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada howlgalkaasi fuliyay ay ka socdeen
garabka ururka Al-Shabaab ee uu hoggaamiyo Sheekh Muqtaar C/raxmaan
Abuu Zubeyr, iyadoona ciidamadii halkaasi soo weeraray ay la dhaqaaqeen iyadoon aan la ogeen halka ay ulla kaceen iyo sida ay ka yeeli donaan.
 
Dhinaca kale wararku waxay intaasi ku darayaan in howlgalka lagu
qabqabtay Sheekh Xasan Daahir iyo saraakiisha kale aanay wax shaqaaqo
ah ka dhicin,kuwasoo door biday in ay is dhibaan  inkasta oo markii labada ciidan is arkeen xoogaa yar qori isku taag uu meesha ka dhacay.
 
Sababta ka dambeysa qabashada Sheekh Xasan Daahir ayaan la ogeen Walow wararka soo baxaayo ay shegayaan in maalmahaan uu jiray  Qilaaf hareeyey koxahaan , sidoo kale uu carabka ku dhuftay malinkii jimcaha Roobow in uu jiro qilaaf la donaayo in jihaadka lagu sii adkeeyo .

Qilaafkaan ayaa sii xogeestay wixii  ka dambeeyay markii  uu ku geeriyooday
hoggaamiye ka tirsan ururka Al-Qaacidada geeska Afrika Taas oo abuurtay
kala shaki aad u weyn  madaxda ee ururka Al-Shabaab kuna kala dareeray shir ay arrintaasi ka yeesheen.
 

Wararka aan ka helayno degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir ayaa sheegaaya in Ciidamo 150 ka badan oo katirsanaa Al shabaab ay maanta usoo goosteen dhanka Dawladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaasoo sida ay wararka shegayaan ahaa ciidankii ay lahayeen Madaxda Xalay xabsiga loo taxaabay Waxaana hogaaminaayo   Horjooge Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale). .

Ciidamada oo aan tiradooda la xaqiijin ayaa waxaa la sheegay in ay wataan gawaari u dhexeysa 4-gaari ilaa 7-gaari oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka   oo ay dhowaan Xoogaga Shabaab ka soo qabsadeen Degaanka Gerille ee duleedka Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Kaxda ee duleedka degmada Dharkeynlay ayaa inoo sheegay in Ciidamadaan oo wata gaadiid dagaal ay usoo dhaafeen dhanka degmada Dharkeynlay oo ay maamusho Dawladda KMG ah.

Dad kale oo iyagana jooga aga gaarka saldhigga Galbeed ee degmada Dharkeynlay ayaa inoo sheegay in ay arkeen Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka oo lagu soo dhoweeyey saldhigga Galbeed halkaasi oo ay iminka kusugan.


Arrintaan ayaa sabab u ah Xiritaanka la xiray Xasan Dahir Aweys dhalintaana ay Xalka u arkeen in ay isaga soo dhaqaqaan kadib markii hogamiyayaashooda lagu horwatay  ,Arintaan ayaa dhanka kale waxay naqanaysaa kala jabkii ugu waynaa ee ka dhaca kooxda shabaab ka kadib markii ay awodoodii ay daciiftay lagana saaray magalada muqdisho .

Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka ayaa waxaa lagu wadaa inay iskugu yeerto bahda warbaahinta, si’ay ugu soo bandhigto, tirada intaasi la’eg ee mar qura ka soo goysatay Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka garabka Godane.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________