Maxamed Dheere oo kasoo horjeestay Xilkii loo Magacaabay Jiinow kuna tilmaamay  in Madaxweyne Shariif u ku degdegay magacaabidda maamulka gobolka Sh/dhexe.

Home
Calayaale News
Januar 29, 2012  Calayaale warkii dalka
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere)  oo ahaa Guddoomiyihii hore gobolka Sh/dhexe ayaa kasoo horjeestay Xilkii loo Magacaabay Jiinow kuna tilmaamay mid uu Madaxweyne Shariif u ku degdegay magacaabidda maamulka gobolka Sh/dhexe.

Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ahaa  Guddoomiyihii hore gobolka Sh/dhexe  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay aragtidiisa ku wajahan magacaabista Guddoomiye cusub oo loo  magacaabo gobolka Sh/dhexe.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku degdegay magacaabista Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe isagoo sheegay in arrintaasi ay ka horeeyaan howlo fara badan oo uu sheegay inay ugu horeyso ka xoreynta gobolka ururka Al-Shabaab oo hadda gacanta ku haya.

"Gobol weli cadow heysto in Guddoomiye loo magacaabo waa laga qurux badan yahay" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in howsha gobolka Sh/dhexe ka furan xilligaan inay tahay sidii gobolka looga xoreyn lahaa ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay gobolka ku hayaan dhibaatooyin kala duwan.

Hoggaamiyaha siyaasadeed Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo mar Guddoomiye ka ahaa gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif looga baahan yahay haddiiba maamul loo sameynayo gobolka inuu marka hore isu keeno bulshada gobolka gobol u dhigo kaddibna halkaas ay isku cafiyaan kaddib ay sameystaan maamul ay iyagu soo doorteen.

"Haddii ninkii shalay adiga ku dilay canugaagana u magacaabay gobolka Sh/dhexe waa garan kartaa ujeedada uu ka leeyahay" ayuu yiri Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo hadalkiisa ay ka muuqato inuu soo gocanayo dagaalkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Madaxweyne Shariif guddoomiyaha ka ahaa ay kula galeen magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
                       

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Anigoo lay dhaho
E-mail address
Sharaxaad
 
 
 

                                                
Read Akhriso
[ View Guestbook | Welcome to Calayaale Page ]


              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com


_______________________________