Meydka Weriye
Xasan Fatntastik oo
maanta lagu
aasaymagaaladda
Muqdisho .
Calayaale News
Allaha unaxariistee meydka Agaasimihii idaacadda Shabelle marxuum Xasan Cabdi Cusmaan (Fantastic) ayaa waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo iminka ay socoto qabanqaabo loogu jiro sidii loo asturi lahaa lafahiisa,aaskiisa Marxuumka Fantaastik ayna ka soo qeyb gallaya masuliyiin ka tirsan dawladda KMG ah, Weriyeyaal iyo dadweyne fara badan.
Marxuum Weriye Xasan Fatntaxtis oo habiinkii xalay ahaa waxaa dilkiisa fuliyay laba nin oo wejiyadda soo duubtay kuna hubeysan bastoolado ay kuna dilay agagaarka gurigiisa xili uu u sii hoyanayay kaas oo ku yaala xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.
Maarxuumka ayaa waxaa durbadiiba loola cararay oo la geeyay isbitaalka guud ee Madiina, halkaasi oo markiiba uu ku geeriyooday, waxaana dilka weriyaha ka hadlay Dowladda KMG ah oo sheegtay inay baareyso kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.
Dowladda KMG ah waxay sheegtay inay si weyn uga xun tahay dilka weriye Fantastik, iyadoona uga tacsiyadeysay qoyskii uu ka geeriyooday weriyaha, dhammaanba bahda saxaafadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Idaacadda Shabelle oo agaasime ka ahaa Allaha u naxariistee marxuum Xasan Fantastik ayaa xalay markii la dilay waxay joojisay barnaamijyadii ka bixi jiray, hase yeeshee waxaa ka socda Qur'aan.
Ururrada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dilka Weriye Xasan Fatntastic, waxayna qoraallo arrintaasi ka soo saareen ay ku sheegeen inay si weyn uga xun yihiin isla markaana u cambaareynayaan kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.