Taliye ku xigeenka
ciidamada Military-ga
Uganda General Ivan
Koreta oo u waramayay
wakaaladda wararka ee
Reuters ayaa sheegay
inay hayaan xog
muujinaysa in Xarakadda
Al-Shabab maleegayso
weeraro ay dalkaasi
Uganda ka gaysato.
General Ivan Koreta
waxaa uu xusay in
wararka ay hayaan ay
sheegayaan in xubno ka
tirsan hogaanka
Al-Shabab ay wadaan ol
ole ay ku doonayaan inay
kuwaxyeeleeyaan sida uu
yiri shacabka wadanka
Uganda islamarkaana ay
ku doonayaan inay ku
weeraraan goobo muhiim
ah oo Uganda ku yaala
yaala kuwaasoo ay
doonayaan buu yiri inay
doonayaan uga aar
gudtaan hawlgalka ay
ciidamada AMISOM ka
wawdaan magaalada
Muqdisho.
“Al-Shabaab waxay
doonayaan inay sameeyan
wax walba oo ay waxyeelo
uga geysanayaan gudaha
Uganda si ay u
waxyeeleeyaan dad rayid
ah taasina waxay ugu mar
marsiyoonayaan doorka ay
dawladeenu ku leeyihiin
hawlgalka ka dhanka ah
Al-Shabab ee Soomaaliya
ka socda” ayuu yiri
General Ivan Koreta oo
ah taliye ku xigeenka
ciidamada Uganda waxaana
uu intaa ku daray in
hay’adaha sirdoonka
dalkaasi la socdaan dhaq
dhaqaaqyadaasi.
Sarkaalkaani ka tirsan
taliska ciidamada Uganda
waxaa kale oo uu sheegay
in dawladiisa ay wado
qorshe ay ku kordhinayso
tirada ciidamadeeda ku
sugan Soomaali si buu
yiri ay ugu guulaystaan
nabad ku soo celinta
Soomaaliya.
General Koreta waxaa uu
xusay in haddii la
xoojiyo ciidamada AMISOM
ay muddo kooban ku
qaadanayso soo gabo
gabaynta hawlgalka dalka
uga saarayaan
dagaalyahanada Al-Shabab
nabadana ay ku soo
celinayaan.
“Hawlgalka AMISOM ee
Soomaaliya ka socda si
fudud ayuu ku soo gabo
gaboobi karaa haddii ay
ciidamadeenu helaan
taageero ciidan oo
dhamaystiran” ayuu sidoo
kale yiri sarkaalkaasi
ciidamada Uganda u
hadlay.
Xarakadda Al-Shabab ayaa
horey wacad ugu maray
inay weeraro ka geysan
doonaan gudaha wadanka
Uganda waxaana ay horey
u sheegteen weeraro
qaraxyo loo adeegsaday
oo bishii July lagu
qaaday magaalada Kampala
oo ay dad badani ku
waxyeeloobeen.
Ciidamada Uganda oo qeyb
ka ah ciidamada midawga
Africa ee AMISOM ayaa
iyagana waxaa lagu
eedeeyaa inay dad badan
oo rayid ku laayaan magaaladda
Muqdisho kadib marka ay
madaafiic culus ku
garaacaan goobo ka
baxsan furumaha ay kula
dagaalaan Xarakadda
Al-Shabaab.
____________________________________________________________