Soomaalida kunool
wadanka Yemen ayaa waxaa
la sheegayaa in ay
intooda badan noqdeen ku
biirayaan ururka Al
qaacida ee ka howl gala
dalka yemen iyadoo
dhawaanna ay la
wareegeen magaalo lagu
magacaabo Ridhaac oo 130
KM koonfur galbeed kaga
beegan magaalada sanca
ee caasimada wadanka
yemen.
Arintaan ku biiritaanka
tiradaan badan ee
soomaalida ay ku
biirayaan Al qaacida
gacanka cadmeed ee
saldhiga ku leh dalka
yemen ayaa waxaa
ayaantaanba si weyn u
hadal haaya saxaafada
dalkaasi yemen.
Wargeyska jamhuuriya ee
ka soo baxa dalka Yemen
oo kamid ah wargeysyada
sida weyn u hadal haya
arintaan soomaalida ayaa
waxa uu qoray in
boqolaal soomaali ah ay
kusii qulqulayaan
xarumaha AL QAACIDA ee
dalka yemen ayagoo
doonaya in ay ku
garabsiyaan in ay
gacanta ku qabtaan
magaalooyin dhowr ah oo
ay kamid tahay magaalada
Maar ee iyda ah wadada
laga soo galo magaalada
Sanca.
Wargeyska ayaa
qormadiisa waxa uu ku
sii faafaahiyay in
dadkaasi soomaalida ah
ay halis ba’an ku hayaan
amaanka iyo xasiloonida
dalka yemen waxaana
xukuumada lagama
maarmaan ah ayuu
wargesku qoray in ay ka
howtagto arintaas.
Dadka kale ee Soomaalida
ah ee degan dalka Yemen
ayaa ayagana waxa ay
arintaasi ku tilmaameen
mid aan jirin oo aan la
qaadan Karin waxaana ay
dalka yemen ka jirta in
dadka soomaalida ah ee
ku nool dalkaasi aanan
loo ogoleen in ay gaari
ku raacaan in ka badan
shan ruux iyadoona dadka
soomaalida aan loo
ogoleen in ay uga
socdaalaan magaalo kale
magaalada ay joogaan.
Odoyaasha iyo
culumaadiinka soomaalida
ee dalka Yemen ku sugan
ayaa waxa ay iygana
leeyihiin in hadii
culeys yar ay dareento
dowlada yemen ooo
dhinaca amniga ah ay mar
waliba la xariiriso
dadka soomaalida ah.
Dalka yemen waxa uu
kamid yahay dalalka ay
buuxaan qaxootiga
soomaalida waxa ayna
Soomaalida inta badan
yihiin kuwa tahriib ku
taga ayaga oo doonaya in
ay uga sii gudbaan
wadanka sacuudi cariba.
____________________________________________________________