Wafdi ballaaran oo ka socda Q.M. uuna huggaaminayay Ambasadoor Agostiin Mahiiga ayaa maanta waxaa uu soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana si wayn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin hoggaaminayay R/wasaaraha dowladda Dr. C/weli Maxamed Cali waxaana markii uu soo gaaray Muqdisho uu kulan la qaatay Mr. Mahiiga madaxda dowladda ugu sareysa sida Madax waynaha Ra’isul wasaaraha iyo Afayeenka barlamaanka.













Ambasadoor Mahiiga ayaa waxaa kulanka uu la qaatay madaxda dowladda kadib uu warqadda furitaanka xafiiska UN BOSS ku wareejiyay madax waynaha Soomaliya Mudane Sh. Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu markii uu ka guddoomay warqadda waxaa uu uga mahadcaliyay Q.M go’aanka geesinimada ah ee ay Soomaaliya xafiisyadooda uga furteen, isagoo tilmaamay in xafiiskani uu yahay mid ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
R/wasaaraha dalka Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa isagu waxaa uu sheegay in furitaanka xafiiska siyaasadda Q.M. ee UN BOSS ay suura galisay dadaallada ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed.
Ambasadoor Mahiiga oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen R/ wasaare Gaas ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in maanta wixii ka dambeeyay uu furanyahay xafiiskii UN POSS ee siyaasada u qaabilsan Q.M. muddo 16 sano ah kadib. waxaana uu balan qaaday in ka xukuumad ahaan ay la shaqayn doonaan xafiiska UN-ka.
Furitaanka xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ayaa imaaneysa xili guud ahaan magaalada Muqdisho laga xoreeyay maleeshiyada kooxda shabaab.