|
|
|
|
Maxamed
Axmed Calasow (Januune)
|
|
|
|
Ciidan beeleed ayaan wataa, cidba cawaan
la hoyanaa, cirrana waan ahay, caafimaadkayguna ma fiicna,
camal xumana waan u dhashay, colaad badana waa soo joogay,
calafkayguna caasimaduu ku xiran yahay oo caqliga caalamka oo
dhan baa sidaa isku raacay, ee cududda aan colaadiyayeey mar
uun CALANKA CAD II TAAGA.
Waxaa muddo sanad ku dhawaada lagu soo gunaanaday shirkii dib
u heshiisiinta soomaalida, kaasoo gabagabadii meel laysla
dhigay in 4.5 beelaha soomalidu wax ku wadaagaan, kadibna
baaralamaankii lagu ansixiyey, intaas ka gadaal waxaa la
doortay af hayeenkii baarlamaanka KMG, iyo ku xigeenadiisa,
muddo kadib waxay wada doorteen madaxwaynihii KMG ahaa, intaas
waxaa kasii dambeeyey wasiirka koowaad ee golaha xukuumada KMG
ah,
Mudadaas halka sano caga cagaynaysa, nasiib darro waxay nagu
mooday muqdisho waa bahalo galeen, dawladaha dibada lagu soo
dhiso ayaa lagu marjiyaa, shacabkeeduna waa la haysteyaal, u
af duuban qab-qableyaal dagaalka iyo isbaarada ku indho qaaday,
waxaa intaas dheer qilaaf joogto ah oo hadda caga cagaynaaya
meelaan xad lahayn, isla markaasna ku salaysan ANAA IRI iyo
IMA TAQAANIIN.
Madaxwaynaha oo lagu naaniso MAQUUSTE, ayaa adduunka ciidamo
waydiistay, isagoon golihii baarlamaanka soo marsiin, waxaana
ka dhashay in labo kooxood loo qaybsamo, qolo XAMAR naf ka
raadisay iyo qolo baarbaarid meelay degaan ku ansixisay, oo
qaab aan sharcigii waafaqsanayn ku icléaamisay BAYDHABO IYO
JAWHAR inay degaan.
Intaas marka laga soo tago waxaa horay u jiray ilaa labo gobol
oo uu ka dhisnaa nidaam maamul goboleeda, oo kala ahaa
PUNTILAND iyo SH/DHEXE, sidaasi darteed waxaa c/laahi yuusuf u
suuto gashay inuu in muddo ah ku soo gashiineeyo goboladii
uu awalba ku soo hana qaaday, isagoo xataa iloobay qaabkii ay
awal iclaamiyeen oo qeexayey in dawlada iyo madaxwaynuhuba
jawhar si ku meel gaara ku sii degaan inta laga helaayo ciidan
lagu xaaqo ama daadka loogu daro isbahaysatada xamar joogta oo
qaarkood goboleey u cararaan aan haysan ilaa iyo hadda, muddo
kadibna waa nin xanaf badane waxaa lagu eedeeyey inuu ka
dambeeyey dagaalkii gaalkacyo ka dhex dhacay laba beelood oo
jufo hoose ay isku yihiin odayga laftiisa, wuxuuna u soo
ruuqaansaday jawher oo uu nabadeeyey ninka la yiraa maxamed
dheere shan sano ka hor, horayna ay u joogeen ra,isul
wasaarihii iyo qaar ka mida labada gole, maalmo ka hor ayaa
madaxwaynaha lagu soo dhaweeyey magaalada jawher, wada tashi
ka dib waxaa la door biday in la
milcsado caasimadii markii hore laga iima sheegaayey oo
uu dhawr jeer mudane geedi soo indha-indheeyey, laakiin mawqif
adag uu runtii qaadan waayey, isagoo labada dhinacba aan
kalsooni buuxda ku qabin, noqdayna nin galcasho badan oo
mawqifkiisa mugdi galiyey.
Waxaa kaloo meesha aan ka maqnayn in cabdullaahi ciidan
beeleed oo u gaara kaliya aamin san yahay, meel walbana ay
fad-qalalo ka dhacaan ilayn meelaha uu tagaayo beelaa jooga
isaguna ciidankiisa iyo maamulka xafiiskiisa oo wali lagu
xanto inuu ku guul daraystay inuu xataa intaas qarameeyo, ayaa
meeshuu ku hoydaba jawi colaadeed ka bilowdaa, waxaa la wada
og yahay hadda jawher ciidamo ayuu diyaarado ku keensaday,
ciidankii gobolkuna waxay diyaar u yihiin inay amaanka
dawladda sugaan, meeshaas isku dhaceedu ma dheera, kuwo
baladweyne kasoo tilabayana jiirta qabnood, kala bayrka iyo
ceel gaal ayaa laga celiyey, hadda waa xuddur meesha laga
cabsi qabo in lagu dhamaado, kadib markii baydhabo loo hawoon
waayey, marka odaygu suu sheegay waa DABO KU SAAQLE DAGAAL,
marka waxaan dhihi lahaa waxaa la qaatay in milcsiga xamar la
kordhiyo oo aan telephoon waxba lagu xallin oo la raaco talada
inj.caddow oo aad moodo inuu waaya arag ku yahay
nabad raadinta, kadib markuu yiri guddi farsamo oo wax
soo jilciya waa inaad u saartaa geediyow arrintaan
daba dheeraatay, calooluna waxay ku bukatay laguma daaweeyo,
mana ku haboona in laga amaba qaado jawhar imaada aaan wada
hadalnee iyo xamar imaada iyadaa lagu heshiin karaahe, sida
shriifku yiri, midda kale waa in laga digtoonaadaa wax alle
wixii kala fogaansho keeni kara, waana in qof walba ay ku
dadaashaa inaan dagaal dambe shacabka loo abaabulin, isla
markaana mudane geeddi iyo yuusufba waa inay caasimadda
ixtiraamaan oo tix galiyaan inay mudan tahay in wax walba
iyada laga jaan qaado, si caalamku idinkugu hagar baxo,
soomaali ahaana aad wada jir wax ku qabsatiin, dib u
heshiisiinta inta dhimana aad waalayaalow ku raadisiin qoriga
xanaftiisana iska ilowdiin, isla markaana waxa laga rabo inay
xamar nidaamiyaan waa maamulka dawladda, sidaasi darteed
caleemo qoyan ayaa wali lala taagan yahay irdaha muqdishow ee
iska daay inaad naftiina mucaad ku noqotiin, xilligii xoogana
waa dhamaaday oo idinkaaba naga og, ee qaata talada midda
islaaxa ku dhisan.
Waxaan ku soo koobayaa qisadii MACAAWIYE, oo ahayd waa inaan
dunta uga xoog yaraadaa ummadayda, markaan isqabsano, marka
kooxda shariifka ee muqdishow ku dabaaqtamaysa iyo kuwa geedi
oo jawhar ku adkaysanaaya waa inay raacaan qaacidada macaawiye
oo ay isu jil canadaan si ummaddu uga baxdo wal walka iyo
wadno kur kurka meel walba nagu haysta, odaygana waa inaad
calanka cad u taagtaan, ileen kii digniinta iyo casaankiiba
waa qaataye.
|