TALKING POINT BY

SHIDDO, SHIISH LAAWE IYO SHAR U ADEEGE
 

By:Januune Maxamed   Januune6@hotmail.com

Ra'yiga Dadweynaha
 August25-05

Maxamed Axmed Calasow (Januune)

 


     

 

 

Sheeg xume, collane iyo shar u adeege.

Shiddo waa shaybka, shiish xume,(ma asiibe) waa aqoon yahanka, shar wadeyaasha muqdisho Ninkay sharibeen waa Shariifka


Camal xumo waa cibaado la,aan, Sheegtaye ma shiishtay, Shar-wade la shaqeey, sheedaan ka baxay ayaa dhaanto.
1) Todobaatan jir mar kasta collan, caadifi ah, cid walba ka saxan, oo aan citimin caddiinta iyo caanaha, calankana cid kale hoos geeya, cudud iyo ciidamo shisheeye ku qarwa, qabiilkana ciseeya, camal xumana u dheer tahay IWL.
2) Shariifnimo iyo in shar loo adeego, shib iska dheh, oo sharafta la dhowrto ayaa ka roon, waxaa kaloo mashruuca inaad sheeda isaga baxdo oo aad iska casisho xilka kugu cuslaaday, sharwadeyaasha ku caan baxay cub iyo cir siyaasad loo bixiyey yey kugu adeegan, adoo mustawe fiican leh ayaa horumood soomaaliyeed laguu calaameeyee.
3) Rag baa shalay shaarkoodii kuu siibay, kugu sharfay shukaanta xukuumadda soomaaliya, ka gadaal sheegaadu waa raqiis, mana shiish fiicnid, shiddo iyo shida la,aan waaba adaa sheegaayo, ee ma shukaantaa kugu cusub, mase waad shiish xuntahay oo shibane qoridda ayaad ku fiicnayd, ma asiibtid, mana abaal badnid ee xantaada ogow, xumaanta shaybka, shriifka iyo shar wadeyaasha sharuurkooda shangaani iyo shibis geey, shiid iyo shaambaay ku kala ogow, dabadeed dadnimadaada iyo dunidoo ku og, dadkaada iyi dalkaada dawlad u diyaari.
Labo daran mid deey, saddex darana ku dar, dadku waxay la amakaagaan nin dadka iyo duunyadaba dila, mid daaweeya duunyada iyo mid degeenka iyo dadkaba ka dhex ganacsada ayaa howl wadaag laga dhigay, hoga tusaaleeyn kala duwana waa lala daba galay, inay is fah maan way adkaan doontaa waqtiyada dhow, sidaa darteed ninka cadawnimadu ku qaan gaatay waa waayeel, laakiin wixii lagu wada joogi lahaa ayaa la qodobeeyey, ima anfacaan iyo hadeysan ku anficin adaa shalay saxiixdayna waa yeertay marar badan, iyadoo goob joogayaal badani u kala dhimrinayeen.
Marka soomaalidu waxay tiraahdaa weel culan ayaa caano lagu maalaa, markii hore labada nin ee shariifka iyo geediba waxaa la qiyaasaayey inay ka nadiif yihiin hagar daamadii 15 sano soomaalidu ku kala irdhoobeen, laakiin muddo hal sano ku dhawaada waxay noqdeen qoragii xaarka laysaga tiraayey, markeey u kala go,een dagaal oogayaal aan dadnimo badan lahayn, nin walbana qolo ayaa faas ka dhigatay, waxaana la ilwsiiyey shaqadii loogu han waynaa ee loo dhiibtay, marka waxaan leeyaha war isku noqda oo talo hagaagsan la imaada, ama shib iska dhaha, shibtaa qaaliyehe, waxaa iyaduna aan igu soo bood ahay inaad is casishiin oo aan looga baran dadka africa, haddeey idinku adkaatana tanasul sameeya, isoo raac iyo ku soo raaci maa waa xaglo daalis iyo dambigoo idinku sii bata, wali is daba qabta caymaad leedihiine, miir laawe yaashana isu soo duma, dalkana hagaajiya, waa talo aan idiin soo dooray ee iska daymooda dulucdaan, waraan soo duxayn dibnihiina ka ilaaliay, QOWL RAG KA DHACAY WAA GEED QOLOFU KA DHACDAY ayaa la dhahaa.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

_________________________________________________________