Horaan waxaan u iri magaalada muqdishow
waa maanyo, hadana waxay ku sii darsatay inay mugdi tahay,
marka iyadoo la masaala badda oo nuuc walba oo noole ahi ku
dhex nool yihiin ayey hadana waxay dhinaca kale ku darsatay
mugdi ay badeen intii laga rabay inay iftiinkeeda muujiyaan,
sidii awalba ay qarniyo badan u ahayd muraayadda ama caasimada
ummadda soomaaliyeed.
Horta sida la wada og yahay xamar waa magaalo taariikh fog
leh, soona martay xilliyo kala duwan, waxaadse moodaa in
xilligii ugu mugdisanaa ay hada ku qaan gaartay oo ilaa dhawr
iyo toban sano lagu mataalayey muqdishow waa juurisalaam,
waana ayaan darro in magaalada xamar loo kala qaybiyo qaybo
kala duwan oo ay ku kala amar ku taagleeyaan dadaan aqoon fog
u lahayn qiimaha magaaladu leedahay oo ka soo kala hayaamay
degaano kala duwan, kadib markii awood qaybsiga qabiilooyinka
bays looga dhigay wax kasta oo lagu gaari karo qaran
soomaaliyeed, taasina waxaa laga dhaxlay in beel walba ku
fikirto horta caasimadda waa inaad sal dhig ku yeelataa si tix
galin aad uga hesho gor-gortanka siyaadda soomaaliya.
Waxaan wada og nahay in xilligii gumaysiga dhulka loo kala
qaybin jiray siyaabo ku dhisan in mustaqbalka fog lagu car
qaladeeyo wadan kasta, waqtigaasna looga faa,iidaysto qaybi oo
xukun, taasi waxaad moodaa in hada dhib wayni wadan walba ka
haysto gaar ahaan wadamada africaanka oo aan ka mid nahay.
Markaan hoos u sii amba qaado caasimadda soomaaliya ee
muqdishow waxaa dhawr sano ka hor loo kala calaamadee- yey
badowdii isku haysatay, kuwaasoo isla ogolaaday in qaramada
midoobeey ay khad cagaaran u kala sameeyaan, taasoo dhiiri
galin u noqotay qolooyinkii awalba ku taamayey in caasimadu
noqoto bahalo galeen, haddii kale ay iyagu siday rabaan ka
yeelaan, kadib dagaaladii sokeeye.
Marka waxaa marag ma doonto ah in xal loo waayey qaab
maamuleedkii magaalada, isla markaana uu nidaam dawladeed uu
ku xiran yahay sida xamar u bogsooto, marka in akhristow xamar
mugdiga ka baxdo waxay ku xiran tahay in khadka cagaaran laga
tir-tiro, waana in maskaxda lagu haayo in wixii qodob lagu
sameeyo oo loo cugsado in ay san si sahala ku baaba,ayn, una
baahan tahay xeer lagu nasakhi karo, haddow doono qori
caaradiisba ha noqdee, ilayn awalba muruqa foodiisa ayaa
keentay in la maciin bido xeer caalamiya, waxaa la yiraa wixii
muruqa ku yimaada, awoodaa lagu xalliyaa, wixii xeer ku
yimaadana xeer jajab ayaa loo baar-baaraa, marka muqdishow
waxaa mugdigeeda saari kara awood qaran oo ka xaalufisa kuwa
is biday inay iyagu wax walba ku amar ku taagleeyaan, ama waa
in la helaa maskax ka nadiifa anoo reer qansaxa miyaa reer
qurac horseed ii noqon karaan.
Waxaan rajaynayaa in mugdiga muqdishow lagu suuliyaa mad-fac
ama maskaxda minanka ku mataanoobay.