|
|
|
|
Maxamed
Axmed Calasow (Januune)
|
|
|
|
Nabad la,aani waa nolol la,aan, nabaddu
waa hooyada:- in wax la barto, in caqligu shaqeeyo, in
xasilooni joogto ah la haysto, in midnimo la hiigsado, lana
helo, inaan agoontu nagu badan, inaan gablanku yaraado, in
hooyooyinka asaydu ku yaraato, inaan walwal lagu dhex jirin,
in nidaam iyo kala dambayni soo noqoto, in adeegii bulshadu si
dhaqso leh u laba lixaadsado, in wadaninimo dadku ku sifoobaan,
nabada waxaa lagu mataalaa inay naas la nuugo tahay, marka
macnaheedu ma ahan walax aan hadda ku soo koobi karo
qoraalkayga gaabiska ah, laakiin waxaan is leeyahay in kaa
mudani haka sii amba qaadaan, hana naadiyaan nabadda.
Aduunyada daafaheeda kala gadisan waxaa ku wada nool bani,aadam
kala jinsiya, kala diina, kala af ah, kala midaba, kala mabda
ah, kala fikir fog iyo kuwo aanba diin lahayn, marka waxaa
ayaan darro ah in soomaalidu intaasba aysan ku kala fogayn oo
waliba nasiibkooda rabbi u qadaray in hal diin oo ah tii
islaamka, oo ugu sax sanayd ilaah na waafajiyo 100%, waxaa
intaas dheer inaan iimaankii iyo caqiidadeenii ku badalano
inaan banaysano inaan is dilno, is dhacno, is kufsano, is
xaqirno, beel beel isku fiirsano, is xaqdhowrkii la suuliyo,
nafta oo la gooyo macno beesho, aano qabiil hari waydo, ilaa
la yiraa haddii shiikh dadka wacdiyo, kumuu ahaa? halkii looga
mahad celin lahaa muxaadaradiisa, ajirna laga macaashi lahaa.
Waxaan jeclaan lahaa inaan ku rogmado qaabka nabadda
ee hadda ka curatay magaa looyinka soomaalida gaar ahaan
magaalada casimada noo ah, oo aad moodo in wax kasta ay ku
xiran yihiin, jiraka banii,adamka wuxuu ka kooban yahay xubno
fara badan, oo kala muhiim san, mid walibana shaqo cayiman ay
qabato, laakiin maskaxda ayaa koon taroosha dhaq-dhaqaaqa jira
oo dhan, marka caasimadu waa maskaxdii koontarooli lahayd
magaalooyinka wadankeena hooyo, waxaana laysku raacay in marka
hore nabada lagu soo dabaalo caasimada kadibna la gaar siiyo
waaxaha kale ee dalkeena, sidaasi darteed waxaa xusid mudan in
hal ruux loo magacaabo duqii iyo guddoomiyihiba, taasina ay
keeni karto shaqo hagar la,aana oo aan barax lahayn, waxaa
kaloo soo dhawayn mudan doodii ay horseedka ka ahaayeen
gudoomiye cadde iyo wax garadkii waligooba ku taamayey inay
mar uun hooska nabadda harsadaan.
Muqdishow waa hooyada himilooyinka nabada, waa meesha qof
waliba ku leeyahay hoygiisii gashiino, kaan ku lahayna ku
taamayo inuu mar uun xamaroo nabada ku helo nabad wadaaga oo
sidii lagu yaqiin barisamaadkii, la wada mushaaxo, xamar waxaa
ku yaala goobihii adeega oo dhan, waa meesha kaliya oo
qarankii soomaaliyeed laga yagleeli karo, sidaasi darteed
waxaan leeyahay waa in loo hagar baxaa sidii isbaarooyinka loo
wada qaadi lahaa, khadadka ama aagaga loo midayn lahaa,
hogaamiyayaasha wasiirada noqdayna waa inay ilaaliyaan nabadda
ay awal ceelka ku rideen, lana shaqeeyaan, una shaqeeyaan
shacabka ay matalaan, una hogaansamaan xukuumadda ay wasiirada
ka yihiin oo ay iyagu gacantooda ku soo dhoo-dhoobeen, kuna
soo ansixiyeen magaalada nayroobi, xilligii ay
baarlamaanka ahaayeen, taasoo la dhihi karo iyagaa doortay kii
ugu horseedka ahaa xaga dad laynta, isaguba qirsan yahay, inuu
yahay habaar qabihii qaliinka umadeena, ama aabihii mucaaradka
oo ilaa hadda ka meereeysanaaya inuu hor
yimaado hogaamiyayaashii awalba doortay.
Marka laysku soo duubo waa in wasiiradu ixtiraamaan qaanuunkii
lagu magacaabay iyo ra,iisul wasaarihii magacaabay oo ay
baarlamaanku ansixiyeen, waa in shaqada baarlamaanka la
ixtiraamaa, tan xukuumadana sidoo kale la ixtiraamaa, tan
madawaynuhuna coontroolkii qaynuunku u cayimay ku ekaadaa,
maskax fur-furana lala yimaadaa, si dib u heshiisiintii iyo
dib u dhiskii dalka looga guul gaaro, ummaduna nabadeey ku
nastaan ku helaan, waxaan ku soo gaba gabaynayaa saxaafadu waa
inay dhinaca nabadda naadiyaan oo ay iska daayaan colaad
naadinta, oday dhaqameedyadu waa inay sidoo kale la shaqeeyaan
maamulada gobol walba laga agaagumay, ha noqdaan kuwo dawladu
magacowday ama kuwo soo jireena intaba, gaar ahaan midka xamar
waa in si hagar la,aan loola shaqeeyaa, waxaa la yiraa far
kaligeeda fool ma dhaqdo, quruxduna waa inay isu tana sulaan
maamuladii ku meel gaarka ahaa ee awal ka jiray intaan
xukuumadda geedi soo magacaabin guddoomiyaha xaaqinka wata oo
aan qoriga wadan sida lagu yaqaan amaba
uu isgu umadda u sheegay.
Waxaan ognahay in xamar awoodeeda ay gacanta ugu jirto,
maxkamado islaami ah, ganacsato iyadu is maamusha iyo
hogaamiyayaal hadda wanaag ku mano sheegta, laakiin cub iyo
cir ama cad iyo madow horay u soo dheeli jiray, yaraantoodiina
goobaha gool-goolka ku soo bar baaray, haddase u muuqda inay
bad baadadu dhab ka tahay qaarkood, waa hadeey fuliyaan waxay
ku hadaaqaayeen dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaan ku
khatimaa HALLA NAADIYO NABADDA, si wada jira, shacabkuna waa
inay horseed joogto ah u noqdaan maamulka iyga ka masuulka ah.
Wabillaahi towfiiq.
|