|

Yeey Dani ugu
jirtaa In Laga hortago lacagaha Beenabuurka ah
By:
Qorre-By:-
Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com
Leicester UK 11Jul2010
Talo iyo baraarujin ku socota
dadka reer Puntland .
Marka hore mahad idilkeed waxaa
iska leh Allaah naxariis iyo nabadgelyana
Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib
dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahoow iga
gudooma salaanta islaamka Asalaamu caleykum
waraxmatulaahi wabarakaat.
Dunidan aynu ku noolnahay maalin
walbaa ummaddu waxa ay sameysaa horumar iyo ka
ambaqaadid hadba heerka la joogo, waxayna taas ku
gaartaa iskuduubni, isku kalsoonaan, waddaniyad iyo
maamulka hadba meesha ka jira oo loo hogaansamo.
Horumarku sidiisaba waxa uu ka yimaadaa bulshada
dhexdeeda, oo haddii aad aragto ummad hormartay waa
mid ay iyagu diyaar u yihiin kana shaqeeyeen. Sidoo
kale haddii aad aragto ummad uu ku yimid dib udhac
waa wax ay iyagu isugu wacan yihiin. Aqoon kastoo la
yeesho ama dhaqaale kastoo aad kasbato haddii aadan
diyaar u aheyn in aad horumar sameyso marna horukac
ma sameynaysid.
Sida aynu la socono Puntland
waxaa la asaasay 1998dii, marba heer bay joogtay
Allaah ka soke dadka reer Puntland waxa ay isku
dayeen in ay dhulkoodii ay dib ugu soo noqdeen ayna
dhisteen, taasoo keentay in ay dhulkoodii ay
camirtaan dhaqaale baddan iyo maaligalinba ku
sameystaan. Maamulka puntland waxaa uu faa ’ideeyay
waxa ay aheyd in uu sameeyo sharcigii iyo kala
danbeyntii. Maamuladii xukunka isaga danbeeyay
kooxba wax bay ku wanaagsaneyd, sidoo kalana
dhaliilahooda waa ay iska lahaayeen. Laakiin mar
walbaa waxaa maqnayd kaalinta shicibka oo ay ku
baddan tahay waxa la yiraahdo kali socodka ama
individualismka taasoo ayan marna eegayn waxa ay ku
qabaan dowladda ama maamulka markaa jira. Haddii aan
si kale u qoro waxa dadkeena ku yar waxa la yiraahdo
wadaniyadda oo kumaba jirto han ah in ay maamulkooda
garab istaagaan oo ay ka shaqeeyaan sidii uu u
hormari lahaa.
Maamulkan hadda ka arimiya
Puntland arinta ugu weyn ee lagu amaano waxa ay
tahay in uu si wanaagsan wax uga qabtay dhaqaalaha
Puntland, taasoo ay si wanaagsan u maareeyeen
dhaqaalaha puntland oo ay la dagaalameen lacagihii
sida qaldan loo isticmaali jiray, sidoo kale waxa ay
fariisiyeen lacagihi sarifka dollarka oo illaa iyo
intay qabsadeen in uu sarifka hoos u dhaco mooyee
marna ma kicin, waxaa kaloo ay ku guuleysteen in ay
si joogto ah u bixiyaan mushaharaadkii shaqaalaha,
waxaa kaloo ay la dagaalameen sare u kaca maciishada
joogtada ah. Waa ay jiraan arimo baddan oo lagu
dhaliilo sida dilalka qorsheysan ee ka dhaca
Puntland oo ay wax ka qaban kari waayeeyn, laakiin
mowduuca aan imminka ka hadleyno ayaa ku saabsan
dhaqaale.
Haddaba iyadoo uu maamulku ku
guuleystay wax ka qabashada dhaqaalaha iyo
maaliyadda Puntland ayaa haddana waxa imminka soo
food saartay Puntland in lasoo galiyo lacago
beenabuur ah oo laga keenay Muqudisho. Haddaba
lacagahaas sidee ayeey saameyn ugu yeelan karaan
deegaanada Puntland. Lacagahan been abuurka ah
haddii aan leyska qaban oo ay soo gasho puntland
waxaa ay reebaysaa saameyn aad iyo aad u xoog baddan
sida maciishadda oo cirka isku shareerta,hantida
dadka oo dad kale gacanta u gasha, lacgaihii sarifka
oo isbadbadal xoogan ku yimaada, dad cusub oo aan
horey dhaqaale u laheyn oo uu gacantooda ku wareegto
dhaqaalihii dalka, mushaharaadka shaqaalaha hadda la
siiyo oo aan waxba goyn kari doonin iyo waliba
lacagtaas oo mar hadii la isticmaalo ay inta kalena
waddo u noqon doonto in ay soo galaan Puntland.
Lacagtaas been abuurka ah waxaa
wanaagsaneyd markii ay soo gaartay airporka
Gaalkacayo in markiiba uu maamulku dib ugu celiyo
diyaaraddii siday, haddii ay sidaas dhici weyday in
la fuliyo go ’aanklii
ganacsatada iyo culimada reer Gaalkacayo ee ahaa in
lacagtaas la gubo iyadana ma dhicin, waxaa kaloo uu
maamulku sameyn karey in uu ka qaado airporka
Gaalkacayo oo meel ay dowladdu ogtahay lacagtaas la
dhigo. Nasiib daro intaba ma dhicin oo lacagti
waalaga saaray airporka oo waxa ay gacanta u gashay
niman burcad ah ama shaqsiyaad kaleba.
Haddaba waxa aan kula talinayaa
dhammaan dadka reer Puntland iyo maamulkaba in
lacagtaas isku meel looga soo wada jeesto oo dadka
loo sheego in ay dagaal cad uga hortagaan oo la
joojiyo isticmaalkeeda, dadka loo sheego in
lacagtaas ay xaaraan tahay xoolahoodana lagu dhacayo.
Sidoo kale maamulku uu adeegsado tab iyo xeelada
lacagahaa looga soo xireynayo magaalooyinka ay
galeen. Waxaa kaloo muhiim ah in uu maamulku
tallaabo cad ka qaado shaqsiyaadkii airporka ka
howgalayey xilligii lacagta lala baxayey.
Haddii dadka reer puntland iyagoo
isku duuban ay arintaas ka horyimaadaan waxaan qabaa
in ay horumar wanaagsan gaarayaan iskana qabanayaa
dadkaas u bareeray in ay xoolahood dhacaan. Waxaa
kaloo muhiim ah in maamulka hadda jira lala shaqeeyo
oo wax alla wixii wanaag ah ay qabanayaan lagu
taageero. Sidoo kale dowladdu waa shacabka ee haddii
aadan iska qaban kan kugu hoos jira oo wax dilaya
ama wax qarxinaya ogow waligaa adigan meeshaada iyo
meel kasii liidata ayaad taagnaaneysaa oo wax
horumar ah oo aad sameynaysaa ma jirayso.
Waxaan hadlkayga ku soo
gabagabeynayaa in aynu ka hortago lacagahaas
beenabuurka ah innaga oo dhan ayeey dan noogu wada
jirtaa oo maamulku dhaqaalihii uu ka shaqeynayey
sidii uu fadhiisanin lahaa ayeey meel kadhac weyn u
tahay , sidoo kale dadweyynaha lacaghodi ayaa si
burcadnimo ah loo dhacayaa oo danyarti waxaa lagu
kicinayaa maciishada, haddaba innaga oo dhan waa in
aynu arintaas ka dagaalnaa oo iska qaban burcadda
doonaysaa in ay xoolaheena dhacaan ee xaaraan
quudatada ah.,
Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac
Jooje
Social Development Adviser
( Leicester UK )

By:-
Abdihakim Jama Joje
Social
Development Adviser
Leicester
UK
saicentadv@yahoo.com
|
_________________________________________________________
|