Qorre-By:-
Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com
Leicester UK 27Jun2010
Ra'yiga
Dadweynaha
27Jun2010 Calayaale
Marka hore mahad idilkeed waxaa
iska leh Allaaha koonkan abuuray oo ayan jirin cid
kale oo xaq lagu caabudo isaga mooyee, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay.
Intaas kadib iga gudooma salaanta islaamka ee
Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi wabarakaat.
Waxaa waayahan danbe ku soo batay
warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan boggaga
soomaalida ee internetka been aan loo meel dayin
oo lagu been abuuranayo koox ama shaqsiyaad
iyagu aan war u heyn arimaha laga hadlayo oo ay
dhici karto in magacooda ama sawiradooda si qaldan
loo isticmaalo, taasoo kasoo horjeeda xuquuqda
caalamiga ah ee u degsan ( Data protection act )
amaba ah wax ku qaldan xaga bani
’aadanimada
ama xitaa islaamnimada ku qaldan. Waxaad arkeysaa
bayaan leyska soo qorayo oo la leeyahay nidaam ama
maamul buu kasoo horjeedaa lana leeyahay waxa qoray
dad ay dhici karto xitaa ineeyan nooleyn oo waa hore
dhintay kaliya magacood leyska isticmaalayo.
Arintaas runti dhowr jeer ayeey dhacday oo wax
xaqiiqo ah in xitaa mootadii lagu been abuuranayo.
Arinti ugu yaabka badneyd ee
ummadda oo idil ka yaabisay waa xaflad aroos oo ay
isugu yimaadeen dadweyne aad u farabaddan oo ay ka
muuqatay farxad iyo reyn reyn, in sawiradoodii loo
adeegsaday siyaasad ahaan, lana yiri waxey kasoo
horjeedaan maamul jira. Waa yaab, miyuusan ogeyn
ninka qoraya arintaas inta danbi uu galayo. Wuxuu
danbi ka galay reerkii arooska iska lahaa, wuxuu
danbi ka galy dadweynihii kasoo qeybgalay ee uu
sawiradoodii si qaldan u isticmaalay, wuxuu kaloo
danbi ka galay saxaafada xuquuqdeeda.
Nabiga (CSW) wuxuu yiri haddii
aadan xishooneynin sameey wax alla waxaad rabto.
Runtii xishoodku waa shey qaali ah oo haddii aad wax
walba iska sameyso waxaa micno beeleysa nolosha
qiimaheedii. Waxaa kaloo wax lala yaabo ah boggagan
ay cid walba iska furatay oo bilaa hadafka ah,
kuwaasoo intooda baddan lagu jahwareeriyo dadka oo
ama qabyaalad salka ku haya ama ka shaqeynaya xin
iyo isku dir iyo in ay qolo uun dabagalaan. Shaki
kuma jiro boggaga Soomaalidu in qaar baddan oo ka
mid ah ay ummadda u faa
’ideeyaan
oo sharaf iyo tixgalin gaar ah loo hayo, oo xitaa
gaaray in marka la doonayo in la hubsado wararka
qaarkood layiraahdo bog fulaan iyo bog fulaan ma
qoreen arintaas. Taasi waxay ku tusinaysaa miisaanka
culus ay bulshada dhexdeeda ay ku leeyihiin. Halka
dhanka kale qaarkoodna haddii ay wax walba oo
wanaagsan ay sheegaan xitaa cid aaminaysaa aysan
jirin, sababtoo ah xumaanta lagu bartay darteed.
Haddaba guud ahaan boggaga
Soomaalida waxan kula talin lahaa in ay ilaaliyaan
xuquuqda saxaafadda oo warka lasoo tabinayo uu
leeyahay meel lasaaro ama ay iska ilaaliyaan war aan
iyaganA faa
’ido
ugu jirin ummaddana aan wax dhib ah mooyee aan wax
kale laga faa’ideyn
in ay soo tabiyaan. Taariikhdu iyadaa is qoreysa oo
adduunku maalinba meel buu maryaa, inshaa’allaah
waxaa la gaari doonaa waqti qof walbaa wuxuu wanaag
sameystayana uu heli doono abaalkeeda kan kalena ee
xumaanta joogtada faafiyana u heli doono abaal
marinteeda.
Waxaan canbaareynayaa sawiradii
sida qaldan loo soo galiyay bogga Al-carab oo ay
kasoo qaateen xafladda arooska lagu qabtay
Leicester, taasoo aan oran karo runtii waa khalad
laga galay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dadkii
sawiradooda la isticmaalay iyo waliba labadii reer
ee arooska iska lahaa oo meel ka dhac weyn lagu
sameeyay, runtiina waa arin aan loo dulqaadan karin.
Sidoo kale waxaan leeyahay haka
raali noqdeen dadkii sawiradooda sida qaldan loo
isticmaalay oo ay isticmaaleen dad wax magarato ah
oo aan damiir laheyn aana garnayn xuquuqda qofku uu
leeyahay.
Qoraalkeygi waa iga intaas wixii
aan saxay waxay ka sugnaadeen Allaah, wixii aan ku
qaldamayna waa nafteyda iyo sheydaan.