Ka soo bilaabato 1968kii,
waxaa luntay oo la laalay, Cadaaladii aas,aaska u
ahayd nolosha dadka.
Waxaa deegta la
saartay qori dab ah.
Waxaa la diiday in
la iska daayo, dulmiga.
Waxaa la doortay in
la is dilo.
Waxaa la diiday,
Nabadii dugsoonayd.
waxaa jid la maro
laga dhigtay in la is dhoco dad, dhul & duunyaba.
Waxaa Qaadiga wax
kala xukuma laga dhigtay, Lacag Laaluush la yiraahdo.
Xaajo hadii la rabo
in la xaliyo, waa in biloowga laga soo bilaabo.
Waxaa Barlamaanka
Somaliya uu u tartami jiray 123 kursi.
90 Kursi waxaa xoog
ku lahaa, Xisbiga Dowladii Somaliya ee SYL.
Somaliya waxaa ka
jiray wax la yirahdo (list 90 seats by
Unconditional decant)
Taas oo micnaheedu
yahay, 90 kursi oo shuruud la,aan ah, aan laga hadli
karin.
90 kursi oo ka mid
ahayeen kuraasta 123da kursi ee ahayd in loo wada
tartamo ayaa
Xisbiga dowlada ee
SYL uu iska leeyahay.
Shuruud la, muran
la,aan wada hadal la,aan.
90ka kursi waxaa xaq
u lahaa dhamaan asxaabta ka jirtay
Koonfurta Somaliya.
33 Waxaa laha,
Gobolka Waqooyi Galbeed.
Waxaa markaas Dalka
Somaliya Raisalwasaare uu ahaa Abdirisaq ninka la
yiraahdo.
Cadaalad la,aanta
Somalia rogtay, cardun ma aha ee waxay jirsatay Nus
Qarni.
Sadaqooyinka la
siiyo Dowladaha Africa. Khaasatan Somaliya!
Waxaay ahaan jirtay
in qofka Bani,Adamka ah u ka faano, in wax sadaqo
ah la siiyo, oo uu cuno ama xirto.
Qaranka ama Qofka
caafimaadka qaba oo lixaadkiisa ALLE, SWT, u
dhameeyeyna kuma haboona in uu
gacmaha hoorsado
kulyoon.
Dalka Africa dhamaantiis waa dal Hodan ah oo
khayraad badan Alle SWT ku manaystay.
Sida dhul beereedka,
dhulka daaqa xoolaha, badaha, wabiyada kaluunka ka
buuxo & khayraadka
macdanta kala duwan.
Ma xaqbaa dadkaasi
Alle SWT waxaas oo khayraad ah siiyey in ay
tuugsadaan dad asaagood ah?
Maxaa ku dhacay
dhamaan wadamada AFRICA oo ay u dawarsanayaan
kulyoon?
Jawaabtu waa sidatan.
Waxaa haysata maamul xumo.
Maxaa kow ka ah
maamul xumada?
Waxaa kow ka ah
Cadaalad la, aan & Laaluush.
Laaluushka ayaa
Garsoore & Qareenba ka ah dalka Somaliya (Bribe is
the Judge & Lawyer)
Shacabka wax
dooranayana waa Qoriga ama Hubka wax gumaada.
Hadaba bal maxay
Somalidu ooga toobad keeni la,dahay xumaanta &
xasadka ayn isku hayso,
Mar hadii ay aragtay, dhaxalka Cadalad xumada?
Markii ay intaas
dhacday maxay noqotay abaalmarintii Alle SWT?
Waxay abaal,marintii
ALLE, SWT noqotay,
Colaad joogta ah.
Abaar joogta ah. Iyo karaama la,aan joogta ah oo naga
haysata,
dadyoowga, dalalka
Aduunka.
Waxaan ku soo khatimayaa qormadeeydan.
in Cadaalada loo
noqdo Somaliyeey.
In marka dowlad la
dhisaayo si xaq ah oo siman loo qaybsadaa.
In Laaluushka & hawl
fududeynta la iska daayo.
In ku adeegashada
Qabiilka la aaminay, Qalinka lagu badalo.
In kuwa qudha naga
jaraayo aan Qabiil lagu raacin.
In kooxdii ama
Qofkii na khaldaaya meel looga soo wada jeesto oo la
iska dhacsho.
Cadaalada oo la
tuuro, Colaad joogta ah dheh?
By Mohamed Omar Osman
New York, USA
Email:
world9peace@yahoo.com